Hargeysa: Bareyaasha Haweenka ah ee Dugsiyada Dawladda oo Shahaadooyin la Guddoon siiyay

0
328

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare  ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere), ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay 53 macalimiin dumar ah oo loo tababaray maamulka iyo hogaaminta.53-kan macalin  ka kala qalin jebiyay jaamacadaha Nugaal ee Laascaanood, Camuud Boorama iyo jaamacadda Hargaysa, ayaa  ka mid ah kuwa wax dhiga dugsiyadda sare ee dawliga ah ee dalka ayaa  muddo 2 sanadood ah baranayay culuumta maamulka iyo hogaaminta.

 

Waxaana iska kaashaday fulinta waxbarasho ee macalimiintaasi wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo hay’adda UNICEF.

 

Munaasibad loo sameeyay qalin jebinta macalimiintaasi dumarka ah oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere), wasiirka maaliyadda, wasiirka degaanka, wasiiru-dawlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo masuuliyiin ka socday hay’adda UNICEF.

 

Ayaan Xaaji Yuusuf, oo ah agaasimaha waaxda lamaanaha ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa faah-faahin ka bixisay mudadii ay macalimiintan dumarka ah wax baranayeen iyo nooca culuumta ay barteen.

 

Waxaanay tidhi “Waxaa la sameeyay  xayaysiis ah in dhamaanba macalimiinta dumarka ah ee goboladda dalka jooga in ay ka qayb qaataan tartan loo gelayay waxbarashadan.

Kadib-na waa la kala saaray, gebgebadii markii ay imtixaankii ugu danbeeyay galeen, waxaa loo kala qaybiyay jaamacadaha, waxaanay qaateen sanad certificate ah, hadana waxay qaateen sanad diploma ah, oo ay baranayeen maamulka iyo hogaaminta ah”.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare  ee Somaliland C/laahi Dheere, oo gebagebadii xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradiisu ay muhiimad gaarra siinayso waxbarashadda haweenka, isla markaana ay qirsan yihiin waxbarashadda haweenku ay muhiimsan tahay ta raga.

 

“Waxaynu og nahay in waxbarashadda haweenku ay ka muhiimsan tahay, ta raga. Waxay uga muhiimsan tahay-na waxa weeyi, hooyadu iyadaa mar walba la joogta caruurta. Waanan qirsanahay wasaarad ahaan in ay waxbarashadu aasaaska tahay,  haweenkuna ay laf-dhabarta u yihiin”.

 

 

C/laahi Dheere, waxa uu tilmaamay in wasaaradda waxbarashu ay diyaar u tahay in ay si deg deg ah u hawl-gelin doonto maamuleyaashan dugsiyadda dawliga ah ee sare. Waxaanu sheegay wasiirku in ay sida ugu dhakhsaha badan u hawl-gelinayaan macalimiintani.

“Waxaad ku bushaaraysataan, bishan January inta aanay dhamaan  in intiina ugu badan aad maamuleyaal noqonaysaan. Inta kale-na qayb-na kayd ayaan ka dhiganaynaa, qayb-na kormeerka dugsiyadda sare ayaan gelinaynaa” ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

 

Macalimiintani ayaa noqonaya  dufcadii u horaysay ee macalimiin dumar ah oo la barro culuumta maamulka iyo hogaaminta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply