Boqor isha ka cawaran isla markaana laangadhe ahaa (jiis) ayaa maalin isugu yeedhay ragii sawir gacmeedka yaqaanay oo dhan.
Wuxuu ku yidhi “I sawira, laakiin waa in aydaan haba yaraatee wax ceeb jidheed ah ii yeeliin oo aad qarisaan naafadayda”.
Dhamaan sawirleyaashii way diideen waxayna ku jawaabeen “Maya, adigoo cawaran oo laangadhe ah sidee ayaan qof caadi ah kaaga dhigi karaa? .
Markii boqorku ku adkaystay ayay iska tageen, laakiin mid ka mid ah sawirleyaasha ayaa ku yidhi boqorka:
“Anigaa ku sawiraya adigoon ceeb lahayn”.
Kadib-na waa la yaabay laakiin xaqiiqdii wuu sawiray. Waxaanu ka dhigay in boqorku ugaadhsanayo oo ishii cawar-nayd uu isku qabtay, isla marakana lugtii curyaanka ahayd dhulka dhigtay si uu ugaadha u dilo.
Sidaas ayaynu u qarin karaa ceebaha dadka muslimiinta inkastoo ay muuqdaan.