Trump oo Inan uu Soddog u Yahay u Magacaabay Jago Sare

0
378

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wiil uu Sodog u yahay u magacaabay in uu noqdo la taliye sare , waxaana durba magacaabista xilkan ka dhalatay dood xoogan.

Jared Kushner oo 35-sano jir ah ayaa loo magacabay in uu kamid noqdo la taliyaasha sare ee Madaxweyne Donald Trump , wiilkan oo ah ganacsade ayaa qaba inanta  uu dhalay Madaxweynaha ee Ivanka Trump.

Wiilkan uu Sodogga u yahay Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa kaalin xoogan ka qaatay ololihii uu ku  soo baxay Trump, waxa uuna hada ka mid yahay dadka aadka ugu dhaw Madaxweynaha dhawaan xilka la wareegi doona.

Xisbiga dimuquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa durba ka soo horjeestay magacaabista wiilkan waxa ayna ku baaqeen in dib u eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay “qoys jecleysi” iyo arrin khilaaf keeni karta.

Xubno katirsan Xisbiga dimuquraadiga ayaa ugu baaqay Xubnaha guddiga cadaaladda iyo waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan magacaabista wiilkan uu Sodogga u yahay Trump.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey u sheegay Wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner in uu yahay qof aad ugu weyn uuna ku faraxsan yahay in uu u magacaabo xil sare oo maamulkiisa katirsan.

Leave a Reply