Hargeysa (Dawan)- Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa shalay mar kale ku kala kacay shir Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland u qabteen oo la xidhiidhay inay isku raacaan in doorashada madaxtooyaddu ay ku qabsoonto wakhtigii loo asteeyay oo ahaa 28-ka Bisha March iyo in la tixgeliyo duruufaha adag ee abaaraha ka jira dalka oo maalinba maalinta ka dambaysa sii adkaanaysa.
Shirkan oo ku qabsoomay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa xisbiyada uga qeyb galay ergooyin ay ka hoggaaminayeen Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha iyo Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, shirkaas ayaanay ka soo bixin wax natiijo ahi, ka dib markii asxaabtu ku kala adkaysteen mawqifyadii ay hore u kala taagnaayeen.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharraxay mawqifka xisbal-xaakimka iyo xukuumadiisu taagan yihiin. “Marka hore waxaannu isku raacsanahay inay dalka ka jiraan abaaro baahsan oo dalka oo dhan caam yeelay oo aad u culus oo aynu Ilaahay ka rajaynayno inuu innaga dulqaado, innagu bani’aadam baynu nahay wax kastoo aynu qabanaa waxba tarimaayo ee Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu ummadda dhibaatadaa ka dulqaado. Labada qodob baanu isla soo qaadnay oo kala ah; abaarta iyo doorashada, mid waanu isku raacsanahay oo xukuumadda, xisbiyada iyo dadweynaha dhammaanteen in aynu u guntanno oo loo midoobo abaarta oo dadkaa loo gargaaro waanu ka midaysanahay, waxaannan filayaa qof kasta oo Somaliland ah oo damiir lihina taas nagala midaysan yahay, taasina waa inoo ballan dhammaanteen, waxaana hormood ka noqonaya xukuumadda,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay inay xukuumaddu door laxaad leh ka qaadatay gurmadka abaarta oo ay weli waddo, isla markaana ay haatan u qorshaysan yihiin tallaabooyin muhiim ah oo dadka tabaalaysan loogu gurmanyo, waxaannu yidhi, “Xukuumaddu horena dadaal badan bay uga gashay abaarta, haddii ay tahay Ceelal la qodo, kuwa dib loo hagaajiyo, haddii tahay gurmad Raashin, dharka dhaxanta iyo dadaal badan baa la galay, laakiin mar walba baahidaa ka weyn, imikana intaanu ognahay waxa xukuumadda u qorshaysan inay xoogga ugu badan saarto ceelal la qodo oo waxa la qorshaynayey in la iibiyo Booyado badan, waayo biyihii la dhaaminayey waxa ka qaalisan kiradii booyadaha, markaa in xukuumaddu toddobaadkan booyado badan iibiso oo loogu dhammaayo dadka meelaha fogfog jooga, waxa jirta in xukuumaddu qoondaysay miisaaniyad dadka xooluhu ka baxeen ee lagu soo ururinayo meelaha biyaha leh raashinkoodii dhawrka bilood ee soo socda, hawshaasna muxaafid iyo mucaaridba waanu ku daba joogaynaa xukuumadda inay tallaabooyinkaasi sii xoojiso, xisbiyadana waanu ku heshiinay in loo gurmado abaarta.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE caddeeyey mowqifka xisbiga iyo xukuumaddu ka taagan yihiin doorashooyinka soo socda oo labada xisbi mucaarad dalbanayaan in dib loo dhigo oo muddo-kordhin la sameeyo, waxaannu sheegay in arrintaasi ay u daba fadhiisanayaan hay’adda ku shaqada leh ee Komishanka Doorashooyinka.
“Doorashada, Laba ra’yi ayaanu maanta isku keenay, annaguna haddaanu xisbal-xaakimkii nahay waxaannu istaagnay mowqifka ah waxa inoo haya doorashada waqtiga la goynayo iyo ka hadalkeeda Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyagaa xaaladda qiimayn kara, iyagaana ku dhawaaqi kara oo odhan kara sidaas halla yeello, kaas ayaanu u hoggaansamaynaa haddaanu xisbal-xaakimka iyo xukuumadda nahay, markaa xilkaas aynu u dayno qoladaas, wixii ra’yi ahna iyaga ha lagu kordhiyo.
Qolada kale arrin taas ka duwan bay keeneen, annaguna waanu ku ixtiraamaynaa, waana daw in aynu xisbiyadu mararka qaarkood ra’yiyo kala duwan kala qaataan, waxaanuse dhammaantayo isla ogolnahay in aynu ka talino wixii dalkeena iyo ummaddeena u dan ah oo ay taasi mar walba muhiimada koowaad noqoto oo aynu arrinta isugu keeno wixii dalkeena iyo dadkeenaba wax u taraya,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay inaanay suurtogal ahayn in doorashada madaxtooyaddu ku qabsoonto wakhtigeedii, marka la qiimeeyo xajmiga abaaraha, waxaanu yidhi, “Bishu Maanta(shalay) waxay maraysaa 10/01/2016, gobolladii galbeedka ee dadku u qaxeen ayey ka bilaabmatay abaar, markaa iyada oo taas lagu jiro waxaannu qabnaa in talo qaran laga yeesho oo aaney ahayn in aynu ku dhegno in kaadhadhka la qaybiyo 21-ka bishan doorashadana la qabto 28 March.”
Guddoomiyaha ahna Murrashaxa xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in kulankaas aan wax heshiis ah lagu gaadhin, waxaannu yidhi, “Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu abaarta innaga dul qaado , fadhigan maanta(shalay) waxba laguma heshiin. laakiin haddii aanu UCID nahay waa in aanu dadka isku soo jiidno, Komishanka waxa uu soo saaray jadwal ah in doorashadu wakhtigeedi ku dhacdo 2015 kii , Canaan ayaa ku dhacday. waa tii 22 bilood xukuumadda wakhtigeedii loo kordhiyay. markaa ma aha in komishanka markii la doono la soo qaato markii la doonana la tuuro, maanta arrinta taagan arrin komishan ka tali karo ma aha, waa arrin damiirka iyo xaalada dalkeennu marayo ay ka talinayso, maalin bulshada caalamka loo habrado ma aha, waa maalin ilaahay laga qabo maanta waa in ay ka baxnaa doorashada iyo kursi doonka oo ay dadkeenna ka fikirnaa oo badbaadadooda galnaa.”
Dawannews Hargeysa office