Xumaanta Cadhada iyo Abaalka Kuwa Qarsada

0
333

Cadhadu waxay ka mid tahay dabeecadaha Aadmiga ee xun laakiin Islaamku wuxuu Muslimiinta ku dhiiri-geliyay inay xakameeyaan wakhtiga ay cadhoodaan iyo inay abaal weyn leeyihiin dadka xakameeyaa.

Saxaabiga Abu-darda (rc) wuxu yidhi: “Rasuulka Allaah (scw) ayaan ku idhi itus camal aan janada igeliya, markaasu igu yidhi :  “Ha cadhoon”.  (Bukhaari  6116)

Xadiis kale-na, Saxaabiga Abu-Hurayra (rc) wuxu yidhi “Nin ayaa Nebiga (scw) u yimid oo ku yidhi dardaaran isii markaasuu ku yidhi “Ha cadhoon”  waana uu ku celceliyay “Ha cadhoon”  .   (Bukhaari).

Saxaabiga Ibnu Cumar (rc) wuxu isna yidhi “Rasuulkii Allah (scw) ayaan ku idhi  maxaa iga difaacaya cadhada Allah”?. Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi Ha cadhoon.”  ( Dabaraani). Allah (sw) wuxu ku daray kuwa cadhada xakameeya ee qarsada dadka wanaagsan ee muxsiniinta ah.

 

Leave a Reply