Khubaro Saynisyahano Ah Oo Daraasad Ka Sameeyey Habkay Caaradu U Dhisato Xuubkay Ku Ugaadhsato

0
595

Khubaro saynisyahano ah oo u dhalatay wadamada Sweden, China ,Spain iyo Britain ayaa daraasad ay dhowaan ka sameeyeen habkay u samaysato caaradu xuubkeeda ugaadhsiga soo bandhigay natiijadii uga soo baxday.

Khubaradan oo in muddo ah ku daba jiray hawlahaas iyo baadhitaankooda ayaa sheegay inay ogaadeen in ay Bacteria ka caawiso caarada inay dhisato xuubkaasi, kadib marka ay kusoo dayso dheecaano kala duwan oo u suurtogeliyaana inay is qabsadaan xuubkaasi.

Xuubkan oo ah ka ay ku ugaadhsato , sidoo kalena ay samayn karto dherer walba oo ay u baahato ayay khubaradani tijaabooyin kala duwan ku sameeyeen, iyaga oo geeyey labab kuwa Biology-ga iyo Chemistry-ga ah , waxaanay sheegeen in dheecaanadan ay soo daynayso Caaradu ay yihiin kuwo inta ugu bada ay la socoto Bakteeriya suurtogelinaysa dhismaha xuubkaasi.

Intii ay tijaabadaasi ku jireen waxay khubaradani ka qaadeen caaradaasi dheecaanadaasi , iyaga oo ku qaaday irbado yar yar oo ay ugu talo galeen.

Khubaradan ayaa warbixin dheer oo ay ku qoreen wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan , waxay ku sheegeen in dheecaanadaasi iyo Bacteria-daasiba ay awood u lee yihiin inay sameeyaan xuubab dherer ahaan gaadhaaya ilaa 1 km.

Waxaanay muddo gaaban dheecaanadaasi isu qabsan karaan si fudud, iyaga oo marka dambe noqonaaya kuwo adag oo si fudud ay u geli karaan xayawaanada kale , sidoo kalena ay adag tahay siday uga baxaan.

Leave a Reply