Khubaro cilmibaadheyaal ah ayaa helay markii ugu horeysay gacan leh saddex farood , taas oo ay sheegeen inay xaga sare kazoo dhacday ,waxaanay gacantaasi ku magcaabeen Amateur Paranormal, iyaga oo rumaysan inay tahay gacan waxyaalaha xaga sare ku nool ee suxuunta adeegsada .
Warbixin dheer oo lagu qoray wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in gacantan laga helay meel u dhow magaalada qadiimiga ah ee lagu magcaabo Cuzco, taas oo ku taala Koonfur Barri wadanka Peru, waxaana gacantan helay khubaro ka socotay maxadka Inkari-Cusco oo wadanka Peru ku yaala.
Waxa kale oo ay goobtaas ka heleen madax isagula lagu sheegay inuu kazoo hadhay dadkii hore, kuwaas oo laga helay meel u dhow goobta laga helay gacantan ka kooban saddexda farood .
Dr Edson Salazar Vivanco oo ka socday maxadkaasi , sidoo kalena kooxdaasi hogaaminaayey ayaa sheegay in ay qiyaas ahaan u malaynayaan in uu farahan lahaa qof dhererkiisu yahay 2.7 meters iyo 3 meter, waxaanu intaas raaciyey inay baadhitaanka wada sameeyeen khubaro ku kala takhasustay Physics-ka, Archaeology-ga iyo Anthropology-gu.
Dr Vivanco ayaa sheegay in gacantani ay tahay mid ay lee yihiin dadka hawada sare inta badan lagu xanto inay ku nool yihiin ee suxuunta wareegta ku duula, waxaanu intaas ku daray inay ku eegeen qalabka X-ray-ga loo yaqaano iyo sidoo kalena qalabyo kale.
Waxa kale oo uu sheegay inay ku eegi doonaan qalabka RadioCarbon ka loo yaqaano iyo DNA ay ka qaadi doonaan walaxdan.