Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu soo bandhigay wadamada ay ciidamadooda ku jiraan hablaha ugu quruxda badan dhanka ciidamada , waxaanay hablahaasi iyo ciidamadaasi kazoo jeedaan wadamo kala duwan oo kala awood badan.
Daraasadan ayaa lagu sheegay in ay ilaa 400 oo sanno ka hor ahayd markii la ogolaaday inay dumarku si rasmi ah uga mid noqon karaan ciidamada, iyaga oo markii dambe door weyn oo muhiim ah ka ciyaaray ciidamadaasi, inkasta oo inta ugu badan ee dagaalantaa ay tahay rag.
Marka dhanka dagaalada laga yimaado dumarku waxay si weyn ugu soo baxaan dhanka Dirayska , iyaga oo ku yeesha bilic soo jiidasho oo gaar ah iyo qurux.
Warbixin dheer oo daraasadaasi laga soo saaray ayaa lagu soo daabacay barta Internet-ka ee Worderslist , waxaana idin soo turjumay warbixintaasi wargeyska Dawan, waxaanay dalalkaasi ay ciidamadooda ku jiraan dumarka ugu badani kala yihiin sidan soo socota.
1:Romania: wadan Romania ayaa galay kaalinta koowaad ee ciidamada ugu dumarka quruxda badan caalamka, iyada oo ay ciidamada Romania yihiin kuwo aan awood badan lahayn marka quwadaha adduunka ku loolamaaya loo eego, sidoo kalena ma laha hub sidaasi u badan.
Kamana qayb galaan ciidamadoodu dagaalada kala duwan ee caalamka ka socda, laakiin waxay noqdeen ciidamada ugu dumarka quruxda badan caalamka, iyaga oo dumarkoodu lee yihiin soo jiidasho iyo qurux aad u badan markay dirayska ciidamada ku lebistaan.
2:Ruushka:wadanka labaad ee dhanka dumarka ciidamada ku jira ugu quruxda badan ayaa noqday wadanka Ruushka, iyada oo ay jirto fikir la aaminsan yahay oo ah inay dumarka Ruushku yihiin dumarka caalamka ugu quruxda badan sidoo kalena ugu soo jiidasho badan ayay haddana kaalinta labaad ka galeen dumarka ciidamada adduunka ku jira kuwa ugu quruxda badan.
Dumarka Ruushka ayaa kaalin weyn oo muhiim ah ka ciyaara ciidamada wadakaasi ruushka iyaga oo u qabta adeegyo kala duwan , waxaanay taasi keentay inay kaalinta labaad ka galaan ciidamada ugu dumarka quruxda badan caalamka.
Dumarka Ruushka ayaa kamid ah dumarka ugu badan ee ciidamada is qora ,iyaga oo ka qaata lacago aad u badan , madaama oo ciidamada wadankaasi lagu qaato lacago badan oo ay mushahar ahaan u helaan.
3:Australia :ciidamada wadanka Australia ayaa iyaguna kaalinta saddexaad ka galay ciidamada dumarka ku jiraa ay ugu quruxda badan yihiin wadamada caalamka, iyada oo uu wadankaasi kamid ahaa wadamadii ugu horeeyey ee ciidamo u qorta dumar, waxaana ciidamadii ugu horeeyey ee dumar ah wadankaasi laga qoray sannadkii 1899 kii .
Waqtigii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka oo ku beegnayd sannadihii 1941 ilaa 1945 kii ayay sidoo kalena balaadhiyeen dumarka qaybta laga siinaayo ciidamada, iyada oo ay markii hore ku badnaayeen dhinaca Caafimaadka.
Ciidamada ugu badan ee ay kamidka yihiin dumarku ayaa ah ciidamada loo yaqaano Royal Navy ( RAN) ,iyaga oo ka qaata doorka duuliyenimo iyo doorka military-ga , waxa kale oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah.
Lasoco Qaybta Labaad …