Mid Kamida Dadkii Biology-ga Kusoo Kordhiyey Tijaabadda Jiirka Oo Geeryooday

0
357

Waxa geeryooday saynisyahankii weynaa ee lagu magcaabi jiray Oliver Smitis, isaga oo da’ahaan jiray 91 sanno, waxaanu kamid ahaa dadka ku guulaystay bilada lagu magcaabo Noble Prize , gaar ahaana qaybta dawooyinka.

Waxaana warbixinta geeridiisa soo dhibay bogooda Twitter-ka guddida Noble ka bixisa, iyada oo lagu daabacay wargeysyada caalamiga ah oo uu wargeyska Dawana kazoo xigtay, waxaana warbixintan lagu sheegay in mr Oliver ahaa nin wax badan kusoo kordhiyey cilmiga Bioloyg-ga.

Waxyaalaha aadka loogu xusuusto ee uu kusoo kordhiyey waxa kamid ah sida loogu eego qalabka kala duwan DNA-da, waxa kale oo uu soo kordhiyey in waxyaalaha la tijaabinaayo lagu tijaabiyo Jiirka cad ee inta badan ay khubarada cilmibaadhisuhu ku tijaabiyaan waxyaalaha ay tijaabinayaan .

Waxa sidoo kale warbixintaasi lagu soo daray taariikhda ninkaasi, iyada oo lagu sheegay inuu ka bxay jaamacadda Oxford , sidoo kalena uu kamid ahaa dadka ku guulaystay abaal marinta Noble Prize ka .

Waxa uu Dr Oliver ku dhashay una dhashay wadanka Ingiriiska , isaga oo waqtigiisii intii ugu badnayd ku noolaa wadanka Maraykanka oo uu deganaa,waxaanu kamid ahaa dadkii loo doortay guddida lagu magcaabo Royal Society of London, waxa uu sidoo kalena noqday guddoomiyaha ururka ka shaqeeya arrimaha hinde sidayaasha oo ka dhisan dalkaasi Maraykanka.

 

Leave a Reply