Wuxu ka mid ah Injineerada shirkadda dhismaha oo muddo dheer la shaqaynayay, markii uu hawlgab gaadhay ayuu qortay warqad codsi ah oo uu shaqada kaga fadhiisanayo. Laakiin maamulka shirkaddu markuu akhriyay ayuu u yeedhay oo ku yidhi “ Waxa keliya ee aan aqabli karaa istiqaaladaada, marka aad aniga ii dhisto gurigii ugu danbeeyay ee aad dhisi lahayd” Arinkaasi inkastoo markii hore ka meermeeray haddana wuu ogolaaday.
Gurigii ayuu bilaabay, dhisay oo dhameeyay, si dhakhso ah isagoon niyad wanaagsanyn oo aan si fiican ugu fiirsan. Markii uu dhameeyay ayuu muftaaxii uu keenay Maamulihii shirkadda. Maamulaha ayaa markii uu ka qabtay muftaaxa qoslay oo ku yidhi “ Gurigan ugu danbeeyay ee aad dhistay waa abaal marin shirkadu ku siisay mudadii aad la shaqaynaysay, ee adigu qaado”.
Ninkii ayaa aad u murugooday oo niyad jab ku dhacay , isagoo iska qoomameeyay in aanu u dhisan guriga waxtar u noqon kara. Haddii aad u noqon weydo daacad shaqo kasta oo laguu xil saaro ogow adiga ayay dhibaato iyo murugo kugu reebaysaa.