Shirkadda lagu magcaabo Sleep Number ayaa markii ugu horeysay soo saartay sariir qofka ku hurda u diidaysa Khuurada , iyada o lagu rakibay qalabyo kala duwan, waxaana lagu magcaabaa sariirtaasi 360 Beds.
Sariirtan ayaa awood u leh inay garan karto dadka ku seexanayaa inay yihiin kuwo khuuriya iyo in kale, iyada oo loo sameeyey hab raaxo leh, waxaanay awoodaa in ay qofkaas madaxiisa kor u qaado, iyada oo ku furaysa hawo, waana marka uu qofku khuurinaayo, waxaanay sidaasi u samaynaysaa si uu u joojiyo khuuradaasi.
Waxa kale oo ay awood u lee dahay sariirtani inay toosiso qofkaasi, iyada oo samaynaysa dhawaaq dheer oo qofka kicinaaya, waxaanu dhawaaqaasi noqonayaa mid marba mark aka dambaysa kor usii kacaaya qaylo ahaan.
Waxa kale oo sariirtani awood u lee dahay inay is kululayn karto, sidoo kalena la socon karto garaaca wadnaha qofka ku hurda, iyada oo ay ku rakiban yihiin qalabyo kala duwan oo lagu magcaabo Sleep IQ.
Waxa laga maamulayaa sariirtan mobile ka Android ka ah iyo sidoo kale mobile ka kale ee ioS-ka ah, iyada oo laga bed bedelaayo Settings ka, waxaana qofku dooran karaa hab walba oo uu isle yahay waxaad ku helaysaa hurdo raaxo leh.
Waxaanay iyaduna si fudud markaaba u ogaan kartaa ama u aqoonsan kartaa dabeecadda qofkaasi, iyada oo ku shaqaynaysa hab Bluetooth ahaan ah,waxaanu qofku habeenkii u seexan karaa hab wanaagsan iyo hurdo wanaagsan.
Shirkadda ayaa bilaabaysa iibinta sariirahan lagu magcaabo Bed 360, iyada oo la siinaayo qiime dhex dhexad ah, waxaana qaybaha ugu horeeya la iibin doonaa badhtamaha sannadkan aynu ku jirno.
Qiimaha lagu bilaabaayo ayaa noqon doona $4000 oo dollar , iyada oo hadhow ka badan karta intaasi, sida lagu sheegay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan warbixintan kazoo xigtay.