Dalka Shiinaha Gobolo ka mid ah waxa liis lagu qora hablaha guurka gaadhay magacyadooda, qoyska kastaana wuxu hayaa liiska hablaha u diyaarka ah. Ninka doonaya inuu guursado ayaa sida badeecada la iibinayo soo mara qoysaskaasi ka dibna waxay tusaan liiska magacayda, da’dooda iyo astaamaha ay leeyhiin.
Haddii uu ninkaasi ka helo liiskaasi kuwo uu jeclaado wuxu ka dalabanaya qoyska inay tusaan, qoyska gabadha dhalay ayaa ku dhaqaaqa inay qurxiyaan inantooda, waxayna ku ridaan maryo quux badan oo sida sanduuq loo sameeyay oo hawadu u furantahay, isla markaan way qufulaan.
Isla wakhtigaasi ayay qaadaan qaar ka mid eheladeeda waxaana ay geeyaan meel loogu talo galay oo uu ku sugayo ninka guursanaya gabadha. Marka ay kulmaan ayay ku wareejiyaan sanduuqa iyo muftaaxiisa. Isla goobtaasi ayuu ku furaa oo iska eegaa haddii ay u noqoto wuxu u kaxaystaa gurigiisa haddii kale wuxu u sheega in aanay u noqon, waana caado ay leeyihiin in aan la iskula yaabin. Dhaqankan ayaa u eeg sida badeecad la kala iibsanayo oo haddii uu iibsaduhu ku qanco qaadanayo hadii kalena uu iskaga tegayo.