Markii ay degeen guriga cusub oo ka weynaa kii ay hore ugu jireen, ayay daaqadihii Muraayadda ahaa ee guriga cusub ka eegatay jaarkooda oo wadhay dhar ay maydheen, isla markiiba ninkeeda ayay ku tidhi dhar iskug ah ayay wadheen, waa maxay kuwani, ma iska nadiifiyaan? ! Maalin kasta oo ay muraayadaasi ka eegtaba way la yaabi jirtay .
Subixii danbe ayay eegtay waxayna aragtay in dharkoodu wada nadiif yahay markaasi ayay tidhi “ Hadda ayay barteen sida dharka loo maydho, waa wada nadiif ! Maalintaasi odyageeda oo arinkan fahansanaa ayaa muraayadii ay ka eegi jirtay nadiifiyay , taasi oo uskaga ahayd.
Muraayda daaqada ay ka eegaysay ayaa ahayd mid uskag ah, waxayn u qaadan jirtay in dharkoodu uskag yahay. Waxaana ninkeedu u sheegay xaalku siduu ahaa iyo inay muraayadda ahayd ee aanay iyaga ahayn. Way dhacda wakhtiyo kala duwan khalad aad adigu leedahay inaad cid kale saarto.