Saddexda Xisbi Qaran oo Isku Seegan Qabsoomida Doorashada, Shirna la Yeeshay Komishanka

0
313

 

Hargeysa (Dawan)- Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa shalay  Guddiga doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u gudbiyay mawqifyada ay ka kala taagan yihiin  in doorashada madaxtooyaddu ay ku qabsoonto wakhtigii loo asteeyay oo ahaa 28-ka bisha March ee sannadkaN iyo in la tixgeliyo  duruufaha abaareed ee dalka ka jira.

 

Kulankan ay yeesheen shalay xubnaha guddida doorashooyinka iyo masuuliyiinta axsaabta qaranka oo ka qabsoomay xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa, ayaa lagaga wadahadlay arrintaaasi, kulankaasi oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda saddexda xisbi oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha ahna Murrashaxa   madaxweynaha  ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Shirkaasi oo aanay ka soo bixin wax natiijo ah, ka dib markii asxaabtu ku kala adkaysteen mawqifyadii ay hore u kala taagnaayeen.

Xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa komishanka doorashooyinka qaranka u gudbiyay go’aankooda iyo mawqifka ay ka taagan yihiin qabsoomida doorashada Madaxtooyada, go’aankaasi oo ku salaysan in dib loo dhigo wakhtiga doorashada, isla markaana lix bilood loo kordhiyo muddo xileedka Xukumadda, halka  xisbiga KULMIYE miiska soo dhigay aragti ka duwan labada xisbi, waxaanu soo jeediyey  dalab ah in arrintaasi loo maro sharciga, gaar ahaan  Maxkamada sare.

Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in ay go’aansadeen in doorashada dib loo dhigo, isla markaana muddo lix bilood ah loo kordhiyo muddo xileedka Xukuumadda, isaga oo arrinta ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Kulan muhiim ah ayaanu la yeelanay guddida doorashoyinka, waxaanu isla  gorfeynay xaalad guud ee qaranku maraayo,  mucaarad ahaan waxaanu u aragnay wakhtiga ugu yar ee lagaga bixi karo xaalada abareed, doorashana lagu qaban karo ay lix bilood tahay , Waxaan Illahay ka baryeynaa inuu xal inooga dhigo, abaartana inaga soo jebiyo.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharraxay mawqifka xisbiga KULMIYE ka  taagan yahay arrinta doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Waxaa noo yeedhay Komishanka doorashooyinka, waxaanay naga codsadeen arrinta abaaraha iyo doorashoyinka isku soo beegmay in ay xisbiyadu ka keenaan talo iyo soo jeedin, Kulmiye ahaan waxaanu u jeedinay in arrintaa xalinteeda iyo furdaamiskeeda loo raaco hab sharci ah.”

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay qabaan in mudnaanta la siiyo dadkeena abaaraysan, waxaannu yidhi, “anagu waxaanu leenahay doorashada muddo lix bilood ah ha lagu daro, oo aynu xoogga saarno abaaraha  iyo badbaadada dadkeena “

 Saddexda xisbi qaran ayaa kulankaasi isla qaatay afar qodob oo ay laba ka mid ah ku heshiyeen halka qodobka kalena ay isku khilaafeen, qodobadaasina waxay u dhiganayeen sidan:-

“1: in ay abaar baahsani ka jirto dalka.

2: in ay muuqato inay iska hor-imanayaan xaalada abaarta iyo wakhtigii loo mudeeyey in ay qabsoonto doorashadu ee 28 march 2017.

3: Xisbiga Kulmiye waxa uu soo jeediyey in arrinta xalkeeda loo raaco furdaamin sharci.

4: Xisbiyada Waddani iyo UCID waxay soo jeediyeen in muddo lix bilood ah dib loo dhigo qabsoomida doorashada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply