Xildhibaan Cali Barre oo soo Dhaweeyay Digreetadii Miisaaniyada Maxkamadaha Hoose Lagaga Xoreeyay Wasaaradda Caddaaladda

0
278

Hargeysa(Dawan)-  Xildhibaan Cali   Maxamed   Aadan (Cali-Barre)  oo ka tirsan  Mudaneyaasha   Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa ku tilmaamay talaabo dastuurka waafaqsan digreetadii  uu madaxweyne Axmed   Siilaanyo  kaga wareejiyay wasaarada caddaaladda  maamulka shaqaalaha  miisaaniyadda maxkamadaha hoose,  kuna hoos geeyay  maxkamadda sare.  

Waxaanu  sheegay in  ay qayrul dastuuri  ahayd in ay isku lamaanaadaan Wasaarada Caddaaladda iyo Garsoorku, isagoo  ku   eedeeyay Wasiirkii hore   ee  wasaaradaas    Xuseen Axmed Caydiid   in uu  si qayrul sharci ah  u   maroorsaday  waaxda garsoorka  maadaama oo isku  lamaaneeyay  garsoorka.

 

Cali  Maxamed   Aadan oo shalay magaaladda Hargaysa ugu  waramayay wargeyska Dawan,  waxa kaloo uu ka hadlay  saldhiga milatari ee dawladda imaaraadka carabtu ka doonayso Somaliland.

Xildhibaanka oo ka hadlayay digreetadii madaxweynuhu soo saaray wuxuu yidhi,  “Arrin  dastuuri ah  ayay ahayd    ilaa madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal  ALLE   ha  u  naxariistee,   waanu isku haysanay.    Dastuurku  wuxuu dhigayaa in waaxda garsoorku maxbannaan tahay,  qarankuna wuxuu u qaybsan yahay saddex waaxood, oo kala ah  waaxda fulinta,  waaxda xeer dajinta iyo waaxda garsoorka.

Waaxi-na   waax kale shaqadeeda ma  qaban karto,  mana hoos tagto. dhammaanba  waaxyahaasina  madaxweynaha   ayay wada hoos  tagaan oo   dalka ugu sareeya. Markaa  maxkamadaha hoose iyo shaqaalahooda waxaa  ka  masuul ah  guddida Caddaalada oo ah qayb ka mid ah  waaxda   garsoorka sharcigu sidaas ayuu qorayaa.Awalna   khalad dastuuriya    oo jiray ayay ahayd.     Dawladihii  Cigaal,  iyo  Rayaale intii madaxweyne Siilaanyo xilka hayay intaasba khalad bay  u hoos joogtay wasaarada caddaaladda.

Talaabo  waafaqsan   dastuurka iyo sharciga  dalka u yaala  ayuu  qaaday madaxweyne Axmed Siilaayo,  aad iyo aadna   waan ugu hambalyaynayaa   talaabadaa uu qaday. Waxaanan   talo ku soo jeedin lahaa in madaxweynuhu waaxda garsoorka iyo culimadda  u yeedho si dalka diinta islaamka loogu dhaqo ilaa diinta aynu isku xukuno caddaalad la heli mayno.”

 

 

“Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka cidda isku lamaanaysay waxa uu ahaa Xuseen Axmed Caydiid  Wasiirkii hore  ee wasaaradaas ee   meesha iskagaga cararay iyadoo ciddina   ka eryin ee durbaanka shaydaanku u tumay. Markaa  isagaa magacaa ku lamaaneeyay wasaarada caddaalada garsoorka sharci darro ayayna ahayd.  Sidaa  madaxweynuhu u dhigay   ayaana  waafaqsan sharciga iyo  dastuurka.

Dastuurka  waxaa   ku yaala  wasaarada Caddaaladda Garsoorku waa    wax  ka madax bannaan waaxda fulinta, dastuurka  ayaana  tilmaamaya xidhiidhka ka dhaxeeya wasaarada  caddaaladda  iyo garsoorka xeer  ayaana   qeexaya qaabka ay u wada shaqaynayaan oo aanu ansixinay  oo madaxweynuhu saxeexay oo  dhaqan galay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Barre.

 

Geesta  kale   xildhibaan  Cali Barre,  ayaa    u soo jeediyay  xildhibaanada mucaaradka ah in aanay ka hor dhicin haddii uu jiro heshiis xukuumaddu la soo gashay dalka imaaraadka carabta si   saldhig milatari ay uga samaysato madaarka magaalada Berbera. Isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi,  “Wax   heshiis ah oo noo yimid  ma  jiro,  haddii  aanu nahay golaha Wakiilladda.  Khalad  ayaanan  u arkaa     xildhibaanka ka hadla in xukuumaddu heshiis kula  soo gashay dalka imaaraadka carabta si saldhig milatari   ay  uga samaysato madaarka Berbera,  kana   hor dhicin mayno heshiisku haddii uu jirana  xukuumaddu way  soo geli kartaa heshiis,  waxa uu doono  ha  noqdee.

Hadduu  madaxweynuhu dan u arko,  marka heshiis uu soo galo golahayaga ayaa loo soo gudbinayaa,   annaguna waanu  eegaynaa in dalka uu dan u yahay heshiiskaasi  marka na loo soo gudbiyo heshiiskaas ayaan ka fiirsan doonaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply