Xildhibaan Tukaale oo Dhaliilay Baanka iyo Shirkadaha Ganacsiga

0
328

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaalle oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilllada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay kor u kaca sarifka doolarka iyo sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu ku dhaliilay Baanka dhexe in aanu iska xil saarin wax ka qabashada sarifka doolarka oo kor u kacay muddooyinkii  u danbeeyay iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsiga.

 

Cabdiqaadir Tukaale oo shalay u waramay wargeyska Dawan, ayaa waxa uu ku baaqay in dalka laga mamnuuco isticmaalka lacagta qalaad ee doolarka, madaama oo uu sabab u yahay doolarku kor u ka cay iyo sicir bararka maceeshadda ee dalka ka taagan.

Xildhibaaku oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nidaam xumida Baanka ayaa keentay sacir bararka iyo kor u kaca doollarka, sagaal kun wax yar ayaa ka dhiman halka doolar, marka laguu sarifayo, lacag badan oo baanka soo galaysay oo miisaaniyada ku jirtay waxa aanu is lahayn wax bay ka badali doontaa sicir bararkan xadhkaha goostay iyo sarifka kor u kacay.”

Mudane Tukaale, waxa kaloo uu intaasi ku daray, “Afarta shirkadood ee dalka ugu waawayn ayaa ku lug leh sarifkan kor u ka cay oo sarif layaashii yaryaraa suuqa ka saaray, waxaana la garan la’yay meesha ay ka shaqaysan doonaan ganacsadu haddii dadku bakhtiyo, waayo lacagta waxa ay ka heleen dadka, markaa shirkadahaa waawayn ayaa ka qayb ah sicir bararka dalka ka taagan, lacagta doolarka waa in dalka laga mamnuuco, waayo sicir bararka dalka ka taagan isagaa sabab u ah, meel aan ahayn Somaliland oo wax lagu iibsado lacagta doolarka majirto, waxaana aan soo jeedinayaa in dawladnimo lagaga hortago sicir bararkan iyo sarifkan cirka isku shareeray”.

Xildhibaanku waxa uu ku ee deeyay baanka dhexe in uu ku lug leeyahay sarifka kor u kacay, waxaanu yidhi “Baanka dhexe marar badan ayaanu kala hadalnay sidii uu u xakamayn lahaa sarifkan kor u kacaya iyo sicir bararka, bangiga dhexe laftiisa ayay la shuraakoobaan ganacsadatada sarifku, in laysaga yimaado ayaanay ku fiican tahay arintani, ka gole ahaan in aanu wax iska waydiino way haboon tahay, wixii aanu awood u leenahayna cidna uga habran mayno, gudida joogtada ah ee golaha wakiillada waa in ay ka hawlgalaan sicir bararkan iyo sarif bararkan, waayo goluhu waxa uu ku jiraa fasax.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply