Islaamku Siduu u Daweeyay Werwerka?

0
345

Rasuulka Allah (scw) ayaa maalin Masaajidka ku arkay saxaabiga la odhan jiray Abu-Umaama oo fadhiya, waxaana uu ku yidhi: “Waxaan arkaa adigoo Masaajidka fadhiya iyadoon wakhtiga salaadda ahayn. Saxaabigaasi ayaa ugu jawaabay “ Rasuul Allow (scw) dayn iyo werwer ayaa i haysta”   Waxaana Rasuulku (scw) ku yidhi “ Ma ku baraa duco haddii aad akhrido Allah (sw) kaa faydayo werwerka, dayntana kaa gudayo” Saxaabiga ayaa ku yidhi Haa Rasuulkii Allow (scw)”  Rasuulkuna (scw) wuxu ku yidhi waxaad akhridaa markaad waabariisato iyo markaad gabal dhacsato”

 

“Allahayaw waxaan ka magan galay hamiga iyo murugada, waxaan ka magan galay caajisnimada, fulaynimada iyo bakhaylnimda , waxaan kaa magan galay in dayni iga xoog badato , Raguna iga guulaysto”  Saxaabigaasi (rc) ayaa yidhi sidaasi ayaan sameeyay Allah (sw) wuu iga qaaday hamigii iyo murugadii i haysatay.

 

Leave a Reply