Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto Taariikhi ah ku Saxeexay Dhaqan-gelinta Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka

0
308

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay soo saaray wareegto taariikhi ah oo uu ku saxeexay  qorshaha deg-dega ah ee joojinta Sicir-bararka. taasi oo uu ugu danaynayo bulshada danyarta ah ee uu ku habsaday sicir bararka iyo sarif bararka is barkaday.

Madaxweynuhu wuxuu wareegtadiisa si adag nidar ugu maray in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo fulin weyda go’aankii shalay ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn Golaha Wasiirrada.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyay  Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyadda, Ganacsiga, Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka isla markaana ogaysiin lagu siiyay dhammaan Guddoomiyeyaasha  gobollada iyo degmooyinka dalka, dhammaan taliyeyaasha ciidammada qaranka, dhammaan agaasimeyaasha guud ee dawladda, dhammaan Hay’adaha dawladda,Guddoomiyaha Maxkamadda sare, shirgudoonka golaha Wakiillada, Shirgudoonka Golaha Guurtidda iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. waxay u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa(xalay)  wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/WM/222-4504/012017, ka saxeexay Qorshaha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka dalka.  Mudanayaal,Tix-raac Go’aankii Golaha Wasiirrada ee tirsigiisu yahay Lr. 212aad kuna taariikhaysnaa 24/01/2017, kaasoo lagaga dooday laguna falanqeeyey daraasaad qoto dheer oo ay soo bandhigeen Guddidii aan u xil saaray qiima dhaca Shilinka Somaliland. Gabagabadii Kal Fadhigaa aan caadiga ahayn, waxay dhamman xubnaha Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen kuna taageereen in la qaado tallaabooyinkan deg-dega ah ee lagaga hor tagayo sicir-bararka iyo qiima dhaca Shilinka Somaliland.

Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qodobadii ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen, kuwaas oo ah qorshaha deg-dega ah ee joojinta sicir-bararka, waana sidan:

  • Adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adaha ay sida tooska ah arrintani u khusayso oo kala ah:

 

  • Baanka Dhexe ee JSL
  • Wasaaradda Maaliyadda
  • Wasaaradda Ganacsiga

 

  • In la joojiyo kharashaadka dawladda (Government Expenditure) ee lagu bixiyo lacagta adag ee Doolar-ka ah, marka laga reebo Raashinka Ciidammada, Wakiillada Dibedda ee JSL, Safarrada Dibedda ee Madaxda Dawladda iyo kharashka hawada sare ee TV-ga Qaranka.

 

  • In Wasaaradda Maaliyaddu iyo Baanka Dhexe ay abuuraan guddi laba geesood ah oo ka kooban afar xubnood oo kala ah:
  • Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  • Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL
  • Agaasimaha Guud  ee  Baanka Dhexe ee JSL
  • Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Guddidaasi waxay si wada jir ah u xaraashi doonaan lacagaha  Doollar-ka ah iyo Shillinka Somaliland, si ay isugu dheeli-tiraan baahida Doollar-ka iyo Shillinka Somaliland, una suurta-geliyaan heer ay is leekaadaan labada baahiyood ee Shillinka iyo Doollar-ka (Demand and Supply Equilibrium).

  • In la joojiyo kharashaadka Dawladda ee ku baxaya Shillinka Somaliland muddada lala dagaalamayo sicir-bararka iyo qiima dhaca Shillinka Somaliland, marka laga reebo Mushaaharka Shaqaalaha, Ciidammada, kharashka hawl socodsiinta iyo gurmadka abaaraha.
  • In shirkadaha waaweyn ee leh bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida Dahabshiil Group iyo Telesom Group, ay si rasmi ah u joojiyaan isku beddelka lacagaha qalaad (Foreign Money Exchange), sidoo kale ganacsatada waaweyn ee wax dhoofisa waxna soo dejisa sida Shirkadda Oomaar, Shirkadda Deero iyo IWM,  aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin isku beddelka lacagaha.
  • In Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Doollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Doollar-ka.
  • Si kor loogu qaado isticmaalka Shillinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad yo E-Dahab ay ka dhigaan ku shubashada iyo ku kaydsiga lacageed mid aan xad lahayn oo Shillinka Somaliland.
  • Maadaama lacagta sharciga ah ee Dalkani leeyahay (Legal Tender) ay tahay Shillinka Somaliland, sida uu dhigayo Xeerka 32aad ee Baanka Dhexe ee JSL, waa in ganacsatada bixisa adeegyada kala duwan (Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada alaabta (Purchasing Goods) ay ku saleeyaan iibkooda Shillinka Somaliland, gaar ahaan bixinta kharashyada loo isiticmaalo bishii, sida ajuurada waxbarashada (School Fees), bixinta nalka, biyaha, kirada guryaha, ku shubashada telefoonnada gacanta iyo IWM.

 

  • In bangiyada gaarka loo leeyahay (Private Banks) ay macaamiishooda u furaan Xisaab Shillinka Somaliland, maadaama ay tahay lacagta sharciga ah ee dalku leeyahay.
  • Waa in la xoojiyaa awoodda Baanka Dhexe ee JSL ee uu siinayo Xeerka Baanka Cutubkiisa 2aad Qodobkiisa 4aad.
  • Waa in mustaqbalka fog Baanka Dhexe ee JSL loo abuura rasamaal ballaadhan.
  • Waa in la hakiyo Saddex Biloodka ugu horreya ee soo socda hawlgelinta  shaqaalaha iyo ciidammada cusub ee ku jira Miisaaniyadda sannadka 2017-ka.
  • Isticmaal la’aanta lacagta qaranku waa dembi. Sidaa darteed, waa waajib Qaran in dhammaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, ay si rasmi ah u adeegsadaan, waxna ku iibinayaan waxna ku iibsadaan cumladda dalka. Cid kasta oo ka hortimaadda dhaqangalkeeda iyo isticmaalkeeda, waxaa laga qaadayaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
  • Waxaa reebban in shaqaale weynaha dawladda, ciidammada iyo madaxda kala duwan ee qaranku ay ku beddelaan mushaharkooda lacagta Doollar-ka. Sidoo kale, waxaa reebban in sarriflyaashu wax ku beddelaan ama lacagaha qalaad ku sarrifaan Baanka Dhexe iyo Laamaha Gobollada, ama agagaarkooda.
  • Waxaa la mamnuucay in aanu sarrifka Doollar-ku dhaafi karin SL.SH/=7,000(Toddoba Kun oo Somaliland Shillings).
  • In la dhiso kalsoonida Baanka Dhexe ee shacbiga iyo ganacsatada, si taa loo meelmariyo, waa in dib u habayn lagu sameeyo Guddida Agaasinka Baanka Dhexe ee JSL (Board of Directors).
  • In la hubiyo nidaamka iyo qaabka ay wax u sarrfitaan Wakiillada iyo ganacsatada ka xoogsada Jaadka.

Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo qorshahan, waxaan hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay masuuliyiintan soo socda:

 

  • Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.
  • Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
  • Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.
  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  • Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
  • Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambayn, waxaan farayaa dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go’aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.”

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply