‘Waxaanu ku Siganay in aanu Aroosyada Mamnuucno, Dadkii oo Dhimanaya in Durbaano Aqbali Mayno’

0
250

Burco(Dawan)- Maamulka gobolka Togdheer,ayaa ka joojiyay guud ahaanba gobolka Togdheer in wax munaasibado ah  in ay Xisbiyada qaranku ku qaban karaan hudheelada iyo fagaarayaasha gobolka guud ahaan iyo gaar ahaan magaalo madaxda gobolka ee Burco inta lagu gudo jiro xaaladda adage e abaaraha oo saamayn wayn ku yeeshay  nolosha  dad iyo duunyo ee gobolka Togdheer oo  ka mid ha meelaha abaarta adagi xilligan ay ka jirto.

Guddoomiye Ramaax oo ka hadlay qoraallo rasmi ah oo ay u gudbiyeen saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID,ayaa sheegay  in ay ku wargaliyeen madaxda xisbiyada ee heer gobol in aan  hudheelada magaalada Burco lagu qaban karin wax xaflado ah oo ay xisbiyadu leeyihiin inta lagu gudo jiro gurmadka abaaraha iyo samato bixinta dadka tabaalaysan.

 

Waxaa kaloo  uu sheegay in aan  la aqbali karin dadkii oo dhimanaya oo xaalad adag ku sugan in munaasibado iyo xaflado lagu qabto magaalada oo durbaanno lagu tunto isagoo intaa raaciyay in ay ku sigteen maamul gobol ahaan in ay xataa aroosyada joojiyaan.

Guddoomiyaha  oo ka jawaabayay cabasho amarka maamulka gobolku uu soo saaray ay  ka muujiyeen xisbiga mucaardka ah ee WADDANI,waxa uu  yidhi,  “Gobolku wuxuu ku sugan yahay xaalad adag oo abaareed oo noloshii dadka ayaa halis ku jirta oo heegan ayaanu ku jirnaa iyo gurmad samato bixin ah markaa waxaanu sadexda xisbiba qoraal ugu gudbinay in aan wax munaasabado iyo xaflado ah aan lagu qaban karin hudheelada magaalada Burco iyo guud ahaan gobolkaba WADDANI oo qudhana kamaanu joojin ee KULMIYE iyo UCID ba waanu ka joojinay sadexda xisbina wuu wada quseeyaa amarkani mid aanu gooni wax uga joojinayna ma jirto, suura galna maaha in dadkii oo dhimanaya oo nasoo eegaya oo gurmad nooga baahan in hudheelada magaalada durbaano laga tunto oo siyaasad lagaga hadlo waxaanu ku siganay xaalada dadku ku jiraan markaanu aragnay in aanu aroosyada joojino,markaa xisbiyada waxaan leeyahay maalintii munaasibadaha iyo xafladaha maaha ee dadkeena aan u wada gurmano cidda taa nagu ceebsataana iyada ayaa wax kale u jeedda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply