Wasaaradda Duulista oo Hirgelisay Qalab Lagula Soconayo Diyaaradaha Mara Hawada Somaliland

0
373

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe,  ayaa caddeeyey in wasaaradoodu dalka keentay qalabka raadaarka ah ee lagula socdo diyaaradaha ganacsiga ah ee isticmaalaha hawada sare ee Somaliland.

Md. Farxaan Aadan Haybe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in qalabka raadaalka ah lagula socon karo nooc kasta oo diyaaradaha rakaabka ah, balse aanay ku jirin kuwa millatarigu isticmaalaan.

“Waxa aannu soo kordhinay inaanu keenay qalabka Raadaalka (Air Radar)  oo aanu kula socono hawada sare ee dhammaan Diyaaradaha hawadeena soo galaya, marka laga reebo kuwa millittaga, weli kuwa milliteriga hawshooda waan ku jirnaa, awoodeeda iyo farsamadeeda, laakiin waxaannu ummadda Somaliland ugu bushaaraynaynaa in immika laga bilaabo aanu awood u leenahay inaan la socono dhammaan diyaaradaha hawadeena soo galaya ee rakaabka jiha kasta ha ka yimaadaane, taasna waxaannu ugu jeednaa horumarka ay wasaaraddu samaynayso,” ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Wasiir Farxaan Aadan Haybe, ayaa caddeeyey in aanay dawladda Itoobiya wax dareen ah ka qabin saldhiga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka doonayo magaalada Berbera, isagoo xusay in Somaliland iyo Itoobiya wadahadal ka yeesheen arrintaas.

“Waxaan leeyahay cidda hadlaysaa ha aaminto cidda ay soo dooratay, xukuumad bay soo dooratay, golayaal bay soo dooratay, wixii ka soo baxa haddii Madaxwaynaha loo ogolaado waa Ilaahay mahaddii, haddii loo ogolaan waayana waa Alxamdulillaah oo xukuumaddu kuma ciil qabto, waxay u aragtaa uun wax golayaashu maslaxad kale u arkeen. Haddii arrinka saldhiga militari xumaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya cidkale kamaanaan doorsaneen ee waxaanu ognahay inay dawladda Itoobiya kalsooni badan ku qabto arrintaa, wixii ku xidhan asbaabo ee laga wadahadlayna  xalkeedii la gaadhay, wax dareena oo dawladda Itoobiya ka qabtaa oo immika taaganina aanu jirin,” ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Waxa kaloo uu tilmaamay in laba shay ay horyaalaan reer Somaliland, kuwaasoo kala ah inay cabsi darteed iskaga soo oodaan adduunka iyo inay la isku bandhigo caalamka si looga baxo shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ka taagan.

“Horta wixii arrimaha milliteriga ah, waa wax millitari ku taxaluqa, wixii arrimaha dibadda la xidhiidha waxa ku shaqo leh Wasaaradda Arrimaha Dibadda, anaga ka wasaarad ahaan waxay naga soo galaan Madaarada wasaaradan ayay hoos yimaadaan, maadaama ay wasaaradda hoos yimaadaan haddii cidkale manaafacaad sigiisa dawladdu doonayso inay hawl kala gasho, waajib saaran weeyaan wasaaradani inay kaalin mug leh ku yeelato. Laakiin mid ayaan bulshada u soo jeedinayaa oo ah labo shay ayaa isu keen dhinac yaal haddii aynu doonayno inaynu cabsi darteed aynu adduunka iska soo oodno oo aynu albaabada soo xidhano, waa dariiq inoo furan, haddii aynu doonayno inaynu adduunka isu bandhigno oo aynu dad jira nahay oo fakhriga, shaqo la’aanta iyo liidashada ka baxnann xukuumadda in la garabo duubo maahee, waa inaan adduunka la macaamilaa, waa labo doorasho oo inaga inoo yaala dawladuna ka saxa ah ayay qaadanaysaa, ka saxa ah inay ku socotaana waa waajibkii loo doortay ee Madaxwaynuhu hormoodka u yahay, markaa waxaan leeyahay waar Golayaal baynu leenahay Xukuumad cod lagu soo doortay baa jirta, xukun militari dalka kuma haysato, golayaal baa jira xeer-dejina oo la xisaabtamaya, Madaxwaynuhuna waxa uu ballanqaaday inuu kuwaa marinayo,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka Duulista, ayaa sheegay in heshiiska saldhiga millatari ee Imaaraadku ka doonayo Berbera uu yahay mid u yaal baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), haddii ay ogolaadaana ay noqon doonto wax u fiican Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale talo u jeediyey siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaannu yidhi; “Annigu nin hadlay waxba  difaaci maayo, laakiin talo ayaan u soo jeedinayaa gaar ahaan Ina Buubaa anigu isna difaaci maayo, jawaabna siin maayo ee waa talo uun baan siinayaa waxaan leeyahay in badan ayaad dalka ka maqnayd oo aad u xalinaysay federaal iyo arrimo ka soo horjeeda jiritaanka iyo horumarka Somaliland hadh iyo habeen geed kasta u gashay, mar haddii aad timmi maanta waan ku soo dhawaynaynaa ee noqo oday Somaliland ah oo horumarkaasi waa kii markii horeba aad ka carartaye haddana ka daa hagar daamada.”

Wasiirka Duulista, ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-dhac ku yimmi dhismaha madaarka magaalada Burco, waxaannu yidhi; “Waxa uu ku talogalka qorshahayagu ahaa inaan bilowno dhismaha Madaarka Burco oo aan horena u sheegnay si aanay noogu noqon arrin intaanu TV-yada iyo idaacadaha ka sheegnay aanu ka gaabinay, qorshahaa abaarta awgeed, waxaanu dib ugu dhignay bisha March haddii Allaaha awooda leh ogolaado inuu bilowgiisu noqdo in la bilaabo Runway-ga (dhabbaha diyaaradaha) iyo dhismihii Madaarka Burco, waayo hore waxaan u shaacinay inay January noqonayso badhtamaheeda ama dhammaadkeeda, laakiin duruufahaa abaarta awgeed ayay nala noqon wayday inaan imminka samayno oo u baahan tabaabulsho badan, oo tabaabulshihiisuna imminka diyaar noo yahay, markaa taa waxan ku wargelinayaa anago guddidii horumarinta Madaarka Burco iyo  qoladii aanu qandaraaska siinay iyo ka wasaarad ahaanba isla eegnay in ku talogalkayagu yahay bisha March in la bilaabo, haddii Ilaahay yidhaah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply