Maxaad Ka Taqaanaa 10 Wadan Ee Ciidamadooda Ay Hablaha Ugu Quruxda Badani Ku Jiraan Caalamka?

0
500

7: Britain: wadanka Ingiriiska ayaa ah wadanka Toddobaad ee ciidamadiisa ay ku jiraan dumarka ugu quruxda badani, waxa ay sidoo kalena noqdeen wadanka ugu soo jiidasho badan dhanka dirayska,iyada oo ciidamada sida tooska ah loogu ogolaaday dumarka sannadkii 1990 kii, waqtigaasi oo ay dumarku ahaayeen kuwo ciidamada u shaqeeya , qabtana shaqooyin kala duwan oo kuwa hoose ahaa.

Waxaanay hadda kaalmaha hore kaga jiraan ciidamada Dhulka, Ciidamada Badda iyo Ciidamada Cirka oo ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku jiraan.

8: Poland: Ciidamada wadanka Poland ayaa iyaguna kaalinta 8-aad ka galay  ciidamada ugu dumarka quruxda badan, waxaana ciidamada dalkaasi  dumar ka ah waqtigan 2,500 oo dumar ah , waana wadanka ugu badan ee ciidamo tiradaasi lehi ay ku jiraan ciidamada , sidoo kalena waxay sidoo kale noqdeen dumarka ugu xuquuqda badan , waxaanay toos ula siman yihiin raga.

Waxa ciidamadaasi ay kaga jiraan kaalin weyn , iyaga oo u qabta adeegyo kala duwan, sidoo kalena ciidamada Badda, kuwa cirka iyo ciidamada Gaarka ah ayay iyagana kaalin weyn ka qaataan.

9: Czech Republic: wadanka Czech ayaa isaguna galay kaalinta sagaalaad ee ciidamada ugu quruxda badan caalamka dhanka dumarka,iyada oo ay hore ciidamada uga mamnuuc ahaayeen ciidamada , waxaana markii ugu horeysay  loo ogolaaday waqtigii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka.

Waxa markii dambe loo ogolaaday  inay dhanka caafimaadka ka ugu shaqeeyaan ciidamada wadankaasi, waxa sidoo kale markii dambe loo ogolaaday inay taleefanada  ugu adeegaan , iyaga oo la shaqaynaayey waqtigaasi Midawgii Soviety, waxa kale oo ay ka caawin jireen.

Dumarka ayaa waqtigan ah kuwo aad uga tirsan ciidamada wadankaasi Czech , iyaga oo kaalin weyn ka qaata, waxaanay ku jiraan ciidamada kala duwan ee wadankaasi.

10: US Armay: Ciidamada wadanka Maraykanka ayaa noqday kuwa kaalinta 10-naad ka galay ciidamada ay ka tirsan yihiin dumarka ugu quruxda badan caalamka ciidamada ka jira, waxaanay bilaabeen inay dumarka ciidamadooda ku daraan waqtigii kacaanki Maraykanka, iyaga oo waqtigaasi ahaa kuwo u qaban jiray adeegyo kala duwan.

Sannadkii 2012 kii ayay ahayd markii si toosa loogu daray dumarka ciidamada kala duwan ee wadanka Maraykanka,waxaanay tiro ahaan ka noqonayaan ciidamada dalkaasi 14% , waxaana ciidamada dumar ah 165,000 oo dumar ah ,halka 35,000 oo kalena ay yihiin ciidamada kaydka ah ee wadankaasi.

 

 

Leave a Reply