Sababaha ugu Weyn ee Hortaagan Taajirnimada

0
482

Horta calafka waa xagiisa balse ma isweydiisay sababta dadka qaar ay waxaas oo lacag u haystaan adiguna aad ku sari la’dahay? Aduunka waxkasta waxay u baahanyihiin dadaal dheeri ah iyo wakhti, halkaan waxaan ku hayaa 7 arrimood oo inaga hortaagan taajirnimada.

  1. Shaqaale ayaa tahay:Inkastoo aysan hubaal ahayn in aad ganacsiga ka taajirayso balse waxaa hubaal ah in aadan mushaar taajir ku noqoneyn. Shaqooyinka lagu qaato mushaaraadka lagu taajiro waa kuwo aad faro ku tiris ah una baahan aqoon xad dhaaf ah.

Xalku ma ahan in aad maanta isaga tagto shaqadaada oo aad ganacsi ku boodo balse haddii riyadaadu tahay in aad mulkiile noqoto waa in aad qorshaha bilowdaa inta aad shaqada haysato

  1. Waxaad ka cabsataa khatarta:Dadka taajiriinta ah waxaa lagu yaqaan hal calaamad taasoo ah in ay aqoonsadaan fursadaha isla markaana ay ku dhaqaaqaan markii ay fursad helaan. Waa kuwo aan ka cabsan khatarta isla markaana aaminsan faa’iido iyo qasaaro labadaba. Ujeedadu ma ahan in aad xoogaaga aad aruurisay si indho la’aan ah aad meel ugu shubto balse waa in aad ku xisaabtantaa in haddii aad fursad walba uga cabsato khataraha la xidhiidha in taajirnimo inta cirku kuu jiro ay kuu jirto.
  2. Fikradahaaga wanaagsan kuma camal fashid:Waxaa jira dad ilaahay u siiyay hadiyad in ay la yimaadaan fikrado qiimo badan balse aan wax camal ah ku samayn fikradaha. Dadkaas waa riyo ku nool oo fikradahooda kama midho dhaliyaan. Waxaa jirta maahmaah English ah oo odhonaysa “Put your money where your mouth is” taaso ah lacagtaada geli hadalkaaga. Marka haddii aad hayso fikrad caalami ah madaxmadax isugu tuur.
  3. Ma taqaanid sida loo maamulo lacagtaada:Haddii aad tahay qof mushaar fiican qaata waxaa jira wadooyin badan oo aad taajir ku noqon karto haddii aad lacagtaaga si wanaagsan u maamusho. Waxaad samayn kartaa maalgashi, iwm balse waxaa ka horeysa in aad kayd samayso marka hore oo aad maamusho miisaaniyadaada iyo kharashaadka.

 

 

  1. Ma lihid qorshe:Dadka aan lahayn qorshaha meel ma gaadhaan. haddii aadan lahayn ujeedooyin aad doonayso in aad gaadho sida in aad guri dhisato, in aad ganacsi abuurto 2 sano gudahood iwm meeshaada kama dhaqaaqaysid. Marka aad samaysato yool waxay kuu sahlaysaa in aad iska ilowdo waxyaabaha yaryar ee kharashka ku galinaya adiga oo xooga saaraya in aad gaadho yoolka weyn.
  2. Ma dadaashid:Taajirnimo laguma gaadho adiga oo hurda ama telefishinka daawanaya maalintii oo dhan. Si aad u noqoto mid horumar gaadhaa waa in aad dadaalkeeda la timaadaa. Dadka taajiriinta ah waxaa lagu yaqaanaa karti iyo shaqo badan.
  3. Dadka saxda ah xidhiidh lama samaysid:Taajir noqon maysid haddii aad waqtigaaga ku lumiso dadka aan faa’iidada kuu lahayn. Marka aad yool samayso waa in aad ku xidhanaata dadka kugu caawin kara in aad guul gaadho. Dadka horumarka sameeyay ee aad wax ka faa’idaysan karto waa in aad barataa oo saaxiib la noqotaa.

 

Leave a Reply