Sidee Loo Aasaasaa Ganacsiga Internet-ka?

0
409

Internet-ka waxaa dhexyaala fursado ganacsi oo aad u balaadhan, iyadoo uu yaryahay kharashka kaaga baxaya aasaaska ganacsiga internet-ka isla markaana faa’iidadu ay tahay mid saraysa. Hadaba sidee ayaa u abuuran kartaa ganacsiga internetka? Inta aadan furan ganacsi, waxaad u baahantahay fikrad…waxaa jira dhowr fikradood oo aad uga shaqeeya internet-ka.

  1. Website macluumaadka laga akhristo– Websiteyada macluumaadka laga akhristo sida wararka, talooyinka, sheekada, buugaagta iyo dhammaan waxkasta oo la qoro waxay ka mid yihiin kuwa ugu caansan ee internetka looga shaqeysto isla markaana ay fududahay aasaaskooda. Waxaad u baahantahay in aad ku wanaagsantahay qoraalka. Waxaa jira websiteyo waaweyn oo si joogto ah u soo tabiya wararka halka qaar kale ay ku takhasuseen soo gudbinta macluumaad gaar ah. Si aad dhaqaale uga samayso websiteka nuucaan ah waxaad u baahantahay in ay akhristaan dad badan, adigoo ka dibna ku xidhaya xayeysiinta sida Google Adsense ama xayaysiinta shirkadaha Soomaalida. Websiteyada nuucaan ah waxay u baahanyihiin samir iyo shaqo joogto ah, muddo dheer ayay qaadan kartaa inta uu soo caan baxayo.
  2. Websiteyada wax lagu iibiyo– Waxaad kale oo abuuri kartaa dukaan online ah oo wax laga iibsado. Internetka waxaad ku iibin kartaa wax kasta haddii aad suuq u haysato balse waxaa muhiim ah in aad doorato suuq aan cidi kugu haysan oo aad si fudud oo raqiis ah ku heli karto macaamiishaada. Marka aad dukaanka furato waxaa sidoo kale muhiim ah in aad leedahay nidaam dadku ay lacagta ku bixin karaan oo fudud iyo in si degdeg ah aad alaabta macaamiisha ugu geyso. Ganacsiga nuucaan ah waxa uu la midyahay midkii caadiga aha ee suuqa Hargeysa balse waxa uu kaga duwanyahay in aadan u baahnayn in aad kiraysato dukaan qaali ah. In aad samaysato website wax laga iibsado dhaqaale badan ku bixi maayo, laakiin waa in aad soo iibsataa waxyaabaha aad iibinayso ama waa in aad iibisaa alaab dad-kale.
  3. Websiteyada adeega bixiya– Haddii aad tahay qof xirfad leh ama haysta dad xirfad leh waxaad abuuri kartaa website laga dalbado adeega. Adeegyada aad ka bixin karto internetka aad ayay u badanyihiin, iyadoo halkii aad ka furan lahayd xafiis uu internetku yahay halka lagaala soo xidhiidhayo. Tusaale, haddii aad tahay macalin caruurta Quraanka bara, waxaad adeegaaga ku bixin kartaa internetka iyadoo ay caruurtu casharada ku qaadan karaan Skype iwm. Waxaad sidoo kale samayn kartaa adeeg laga soo dalbado nadaafada guryaha, adigoo markaa shaqaale u diraya macaamiisha soo nadiifiya guryaha. Adeegyada aad ka bixin karto internet-ka aad ayay u badanyihiin oo halkaan laguma soo koobi karo. Isla markaana ganacsiga ku dhisan adeega waa mid ka khatash yar midka badeecada iibiya.

 

 

Leave a Reply