Dadka waxa u mudan , kan aan dadka ka hagran waxa gacantisa ku jir ee Aduunyo ah” “ Raac dariiq badbaadada oo yaanay ku dhibin dadka yar ee socda, iska jir dariiqa habawga oo yaanay ku hodin dadka badan ee socdaa” Fudayl Binu cayad “ Haddii dadka oo dhami xaqa ka shakiyaan, adigu keliga ku hadha” “ Dhulka kuma furto ciidan waxaan ku furtaa hadal wanaagsan” S.Al-Ayuubi “Farqiga u dhexeeya Arinta Riyada ah iyo tan Dhabta ah waa kelmada Shaqo” “ Dadka hadalka macaan laguma kasbado waa akhlaaq iyo shaqo fiican” M.Qasli “Wanaaji kan ku wanaajiya, hana xumayn kan ku xumeeyay”

0
408

Dalka Ingiriiska ayaa laga joojiyay xukunada  dilka ah sanadkii 1953.  Arintan ayaa ka danbaysay ka dib markii maxkamad dalkaasi ku taalla ay ku xukuntay deldelaad nin lagu magacaabo Jhon Evons iyadoo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisii iyo Inan uu dhalay.

Inkasta oo ninkan uu aad uga dooday in aanu dilin qoyskiisa haddana ugu danbasytii maxakamadu waxay ku riday xukun deldelaad ah.  Laakiin sanadkii 1953 ayaa la ogaaday in ninka lagu magacaabo Jhon Keirsti uu ah oo dilay dhawr qof oo ay ka mid ahaayen dadka uu dilay xaaskii iyo gabadhii uu dhalay ninkii la deldelay ee Evons.

Waxaana cadaatay in deldelaadii lagu fuliyay ninkaasi ay ahayd mid khalad ah. Waxaana wakhtigaasi maamulayaasha Ingriisku soo saareen xukun maxkamadaha laga joojiyay inay dil ku ridaan denbiilayaasha gaadhay ciqaabtaasi.  Marka laga reebo dadka budhcad badeeda ah.

Leave a Reply