Ruushka Oo Sameeyey Raadaarkii Ugu Weynaa Ee Dawladi Samaysato

0
372

Wasaaradda difaaca iyo ciidamada cirka ee wadanka Ruushka ayaa ku dhawaaqay inay dhamaystireen dhisitaanka Radaar kuwa gantaalada qabta ah oo noqonaaya kii ugu weynaa ee wadan samaysto.

Waxa uu radaarkani si fudud markiiba u ogaan karaa siday khubarada samaysay sheegeen gantaalada soo gala hawada sare ee wadanka Ruushka, taas oo si sahlan u fududayn karta in ciidamada ka hortaga gantaalada ee Ruushku si fudud dhulka usoo dhigaan gantaalkaasi.

Waxaana mar keliyaata gacanta laga qaaday raadaarkaasi oo lagu sameeyey gobolo kala duwan, waxaanay noocyadoodu noqonayaan Voronezh, Dnepr  iyo Volga oo lagu rakibay goboladaasi kala duwan .

Waxay ciidamada Ruushku hore u sameeyeen Raadaaro kale oo sheegaayey  gantaalada Cirka , kuwa dhulka iyo kuwa badda, waxaanay kala ahaayeen kuwaasi  Darial, Dnepr iyo Voronezh oo iyaguna kuwan ka yar yaraa, waxaanay si fudud Raadaaradani u sheegayeen masaafadda iyo saacaddahay socon karaan gantaaladu.

Professor  Vadim Kozeulen oo kamid ah khubarada Kuuliyadda ciidamada Ruushka ayaa sheegay mar uu waraysi siinaayey Wargeyska Russia Times oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay  in wasaaradda difaaca ee Ruushku bilawday  qaban qaabada samaynta Raadaaradan sannadkii 2008, iyada oo intaasba gacanta lagu hayey .

Waxaanu Professor ku sheegay in wejigii labaad ee rakibaada Radaaradan la bilaabay sannadkii 2009 kii, iyada oo lagu rakibay Armavir magaalada lagu magcaabo oo ku taala Koonfurta Ruushka, kadibna lagu daray kuwo kale oo laga bilaabay dhismahooda  magaalada Irkutsk oo Barriga Ruushka ku taala.

Radaaradan oo ah nooca sida fudud u sheega Gantaalada soo gala hawada wadankaasi ayaa awood u leh inay sheegaan si fududna u ogaadaan gantaalada kazoo dhici kara wadamada Chine, Galbeedka Maraykanka, Barriga Yurub  ,Hindiya iyo Waqooyiga Afrika.

Waxaana iminka la wadaa kuwo kale oo lagu rakibaayo magaalada Murmansk oo ku taala Waqooyiga Ruushka , taas oo ay farsamadeeda wadaan ciidamada Ruushku.

 

Leave a Reply