Laser Kii Caalamka Ugu Weynaa Oo Ay Khubaro Kala Duwani Ku Guulaysteen Soo Saaristiisa

0
348

Khubaro u kala dhalatay wadamada Ingiriiska Iyo Czech  ayaa ku guulaystay inay soo saaraan Laser ka ugu weyn caalamka, kaas oo ay ku baxday lacag dhan ilaa 40 Million oo lacagta Yurub ahi, waxaanu ka weyn yahay kana awood badan yahay Lasers-ka kale in ka badan 10 jeer.

Khubarada ikhtiraacday ayaa ahaa kuwo ka kala yimid dhanka wershadaha iyo sidoo kalena dhanka Samaynta tamarta laydhka , iyaga oo in muddo ah ku hawlanaa sidii ay u samayn lahaayeen qalabkaasi.

Laser kan oo lagu magcaabo Super Laser ayaa ah mid culayskiisu dhan yahay 20 Ton oo culays ah, halka uu sidoo kalena dabkiisu yahay ilaa B1000 Watts, waxaanu ka awood badan yahay 10 jeer  Radiation ka caalamka ugu awooda badan .

Agaasimaha xarunta lagu magcaabo Central Laser Facility oo lagu magcaabo John Collier ayaa sheegay inay tani tahay wax dunnida ku cusub, iyada oo shayga ugu muhiimsani yahay walaxdan ay soo saareen , iyaga oo awood badan oo tamareed u bedelay awood badan oo Laser.

Khubaradan iyo cilmibaadheyaal reer Czech ah ayaa ilaa sannadkii 2011 kii ku hawlanaa sidii ay usoo saari lahaayeen Laser noocan oo kale ah, iyaga oo adeegsanaayey qalabyo kala duwan, waxaanay waqtigan kamid ahaayeen khubaradan, iyaga oo sheegay inay ku guulaysteen fikirkii ku dhashay sannadkii 2011 kii.

Waxaana laser kan lagu sameeyey magaalada Prague oo kamid ah Jamhuuriyadda Czech, waxaanay khubaradani sheegeen inay si toosa usoo bandhigi doonaan dhamaadka sannadkan 2017 ka .

 

 

Leave a Reply