Xildhibaan Jiciir oo Bogaadiyay Wasaarado Kaalin ka Qaatay Gurmadkii Abaaraha

0
404

Buuhoodle (Dawan)- Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame (Jiciir) oo ka tiran mudanayaasha golaha deegaanka Buuhoodle aya amaan iyo bagaadin u jeediyay Wasaaraddaha Maaliyadda, Xannaanada Xoolaha iyo Caafimaadka, isaga oo ku ammaanay hawlaha gurmadka abaaraha ee ay ka wadaan deegaankaas.

Xildhibaanku waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, isaga oo ku majeertay kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay gurmadka iyo samato-bixinta dadka ay haleeshay masiibada iyo aafada abaartu ee deegaanka Buuhoodle.

Cisman Jiciir waxa uu sheegay in wasiir Samsam Cabdi Aadan ay tahay wasiirka kaliya ee tiraba llaa shan jeer socdaal ku tagay deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, waxaan ku bogaadinayaa kuna majeeranayaa kaalinta muuqata ee ay kaga jirto hawlaha gurmada abaaraha iyo samato-bixinta dadka tabaalaysan.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Wasiir Samsam waa wasiirka kaliya ee tiraba illaa shan jeer ku soo noq noqotay deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, oo masaafo dhan todoba boqol oo kiiloomitir u jirta Hargeysa, waxaanay intaas oo jeer ba u tagtay hawlaha gurmadka abaaraha, waxaanay dadka tabaalaysan ee deegaankaasi gaadhsiisay gurmad iyo deeqo isugu jira raashin iyo biyo.’

Mudane Cismaan, sidoo kale waxa uu amaan iyo mahad naq u jeediyay madaxda iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland, gaar ahaan wasiirka wasaaraddaasi mudane Saleebaan Axmed Ciie Xaglo-toosiye, isaga oo sheegay in ay gurmad laxaad leh oo aan kala go’ lahayn ay ka waddo deegaanada hoos yimaada gobolka Buuhoodle, iyada oo saddexdii bilood ee u dambeysay si joogta ah halkaasi uga hawl galaysay, isla markaana la tacaalaysay xanuunnada dadka jilicsan ee ay tabaaleeyeen abaaruhu.”

Xildhibaan Cismaan Jiciir, sidoo kale waxa uu bogaadiyay wasiirka wasaaradda xannaadada xoolaha Somaliland mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, isaga oo sheegay in dadka abaaraysan ee deegaankaasi ay wasaaradiisu la qaybsatay dhibaatada iyo walaahowga ay keentay abaartu, waxaanu yidhi “Waxaan bogaadinayaa wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland oo dhibta la qaybsatay dadka tabaalaysan eek u dhaqan deegaanka Coodanle iyo guud ahaa Buuhoodle.”

Mudane Jiciir waxa uu si gaar ah u xusay wasiiru dawlaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyoraac oo uu sheegay in kaalin laxaad leh ka qaatay hawshaasi gurmada ah, waxaanu yidhi “Waxaan si gaar ah u ammaanayaa una bogaadinayaa wasiiru dawlaha wasaarada xannaanada xoolaha Somaliland mudane Cabdirashiid Riyo Raac oo mar kasta ka dhex muuqda hawlaha gurmadka abaaraha, iasga oo aad mararka qaarkood aad arkayso isaga oo gaadhigiisa gaarka ah ku guraya biyo, raashin iyo dawooyin.
Xildhibaanku waxa kale oo uu bogaadiyay isu duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha ee gobolka iyo agaasimaha gobolka ee caafimaadka, masuuliyiintaasi oo uu ku tilmaamay rag hawl kar ah oo si daacad nimo ah ugu adeegaya dadkooda jilicsan ee ay saameeyeen abaaruhu.

 

 

 

 

Leave a Reply