Waxyaalaha Loo Isticmaalo Dabaal Degyada Chine Ka Dhigay Mid Hawadeedu Wasakh Tahay

0
392

Siday ku warantay wakaalada Wararka ee Media  oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan, waxa maalintii sabtidii mar keliyaata lagu soo toosay hawada magaalada caasimada ah ee Beijing oo wasakh ah, taas oo uu ku xidhnaa qiiq iyo wasakhow kale.

Taas ayaana sabab looga dhigay waxyaalaha lagu dabaal dego oo la isticmaalay habeenkii Jimcihii , iyada oo loogu dabaal degaayey sannadka cusub ee Lunar ka loo yaqaano, kaas oo ay tirsadaan dadka reer Chine.

Afhayeen u hadlay qaybta badbaadada Degaanka ee dawlada Hoose ee Beijing ayaa sheegay in ay meel xun oo khatar ah gaadhey wasakhowgaasi, kaas oo keenay in waqtiyar gudihii ay hawadu noqotay mid ka wasakh badan shan sanno wasakhdii soo martay.

Waxaana qoraalo laga soo saaray meelaha la dagaalanka Wasakhowga lagu sheegay in loo baahan yahay in laga joojiyo waxyaalahaasi dabaal dega hawada sare ee wadankaasi, gaar ahaana caasimada wadankaasi oo hadda la taag daran hawo wasakh ah .

Dawlada hoose ee caasimada Beijing ayaa bilaabay la dagaalanka wasakhowga hawada sannadkii 2014 kii, kadib markii ay si kedis ah isu bedeshay hawada magaaladaasi, iyada oo kamid ahayd waxyaalo ay dawlada dhexe ee dalkaasi Chine balan qaaday, sidoo kalena ay mag dhow ka bixinaysay wasakhday hawada kusii daayaan wershadohoodu.

 

 

Leave a Reply