Aqalka Cad oo Sheegay in aaney Deegaameynta Yuhuudu Keenayn Xal Nabadeed

0
328

Deegaamaynta cusub ee Israa’iil “waxaa laga yaabaa in ayna  gacan ka gaysanaynin” in xal nabadeed lala gaadho Falistiiniyiinta ayuu yidhi Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa intaas ku daray “in maamulka madaxweyne Donald Trump uu san go’aan rasmi ah ka qaadanin arrinta deegaamaynta Israa’iil”.

Bishii 12 ee sanadkii hore Donald Trump ayaa dhaliilay qaraar Qaramada Midoobay oo Israa’iil ugu baaqaya in ay soo afmeerto ficiladaas oo kale.

Khamistii booliiska Israa’iil ayaa dad ka kaxeeyay goobo ay daganaayeen oo aysan sharci u haysanin oo ka tirsan dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.

Arrintaas ayaa dabo socotay amar maxkamadeed oo ahaa in dadka halkaas laga raro.

Dhanka kalana ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu deegaamayn cusub ka samaynayo Daanta Galbeed markii u horaysay muddo labaatan sano ka badan.

In kabadan 600,000 oo yuhuud ah ayaa ku nool 140 deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa’iil qabsatay Daanta Galbeed iyo bariga magaalda Qudus sanadkii 1967dii.

Waxaa kale oo jira 95 deegaan oo yuhuudu ka dhisatay Daanta Galbeed iyagoon fasax ka haysanin dawladda Israa’iil.

 

Leave a Reply