Ingiriiska oo ka Hadlay Ujeedada Ruushka ee Jabsashada kombiyuutarada

0
322

Ruushka ayaa qaadaya olole joogto ah oo uu ku jabsanayo kombiyuutarada isaga oo bartilmaameedsanaya dimuqraadiyadda iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah ee Yurub, sida uu ka digayo wasiirka difaaca ee Britain, Sir Michael Fallon.

Ruushka ayaa “hub ahaan u adeegsanaya xog been ah” isaga oo doonaya in uu ballaadhiyo galaangalkiisa oo uu burburiyo dawladaha reer Galbeedka uuna wiiqo xulafada Nato, ayuu yidhi wasiirku.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa noqday mid “istaraatiijiyad kula tartamaya” reer Galbeedka.

Sir Michael ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in xubnaha xulafadu ay sare u qaadaan difaaca dhanka kombiyuutarada.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay jaamacadda St Andrews, wuxuuna hadalkaasi ku soo aadayaa xilli ra’iisalwasaaraha dalkaas Theresa May ay isku dayayso in shir aan caadi ahayn oo Malta ka dhacaya ay u adeegsato in xubnaha Midawga Yurub ka dhaadhiciso in ay sare u qaadaan lacagaha ay u adeegsadaan dhanka difaaca.

Sir Michael ayaa sheegay in Nato looga baahan yahay wax ka qabashada beenta uu xaqiiqada ka dhigayo Ruushka.

 

Wuxuu sheegay in weerarada Ruushku ay ka mid ahaayeen midkii lagu qaaday Tiifiiga TV5Monde ee dalka Faransiiska bishii Afraad ee sanadkii 2015kii, iyo weerarkii kale ee lagu bartilmaaameed saday aqalka hoose ee baarlamaanka Yurub.

Weerar kale dhanka internerka ah oo lagu qaaday Bulgaria bishii tobnaaad ee 2016, ayuu madaxwaynuha dalkaasi ku tilmaamaay midkii “ugu cuslaa” uguna “darnaa ee ka dhaca koonfurta_bari ee Yurub.

Sir Michael ayaa sidoo kale ka hadlay tuhunka ku saabsan in Ruushku uu dhac u gaystay labada xisbi siyaasadeed ee dalka Maraykanka ugu wayn

“Maanta waxaan aragnaa dal hub ahaan u adeegsanaya warar khalad ah taas oo keentay wax aan maanta u arki karno in ay sax yihiin”. ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu sheegay in ay caddahay in Ruushku uu tijaabinayo Nato uuna rabo in uu kordhiyo galaangalka uu ku leeyahay, uuna burburinayo dalalka uuna wiiqayo gaashaan buurta.

“Waxay meel uga dhacayaan amaanka dalal xulafada ka tirsan iyo shuruucda caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in ay dantooda tahay in Yurub ay Nato ka dhigto mid awood badan leh.

Sir Michael wuxuu taageeray baaqa Madaxweyne Donald Trump ee ku aadan in dhamaan dalalka Nato ku jira ay difaaca ku bixiyaan ugu yaraan boqolkiiba labo dhaqaalaha dalkasta soo gala.

 

 

Leave a Reply