Ingiriiska oo La Sheegay in Raggu Aad Uga Baqaan Goobaha Caafimaadka

0
317

Daraasad cusub oo dhowaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in raga Ingiriiska ahi ay yihiin dadka ugu badan ee ka baqa goobaha caafimaadka, marnabana aan tegin.

Dadka ugu badan ee goobahaasi taga ayaa la sheegay inay yihiin dumarka oo iyagu ku badan, waxaanay khubarada daraasadan samaysay ay sheegeen in raggu wax kale ka aaminsan yihiin goobaha caafimaadka tegi taankooda.

Madaxa gar gaarka deg deg ah ee wasaaradda caafimaadka Ingiriiska ayaa wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan u sheegay in ay had iyo jeer arkaan dumarka oo soo booqanaaya goobaha caafimaadka, halka ay raggu ka baqaan inay goobahaasi yimaadaan, gaar ahaana waqtiyada ay jiraan Dhaawacyada iyo gubashada lafteedu.

Madaxa qaybtan ayaa intaas ku daray in xataa xaaladaha caafimaad ee raga ku yimaada ay adag tahay inay yimaadaan goobahaasi caafimaadka.

Kadib markii warbixintani soo baxday waxay wasaaradda caafimaadka ee wadanka Ingiriisku qaaday baadhitaano ay ku doonaysay inay ku ogaato sababta keentay in raggu ka baqaan dhakhaatiirta iyo goobaha caafimaadka.

Waxaanay khubarada wasaaradda caafimaadka ka socotay sheegeen inay ogaadeen in raggu u neceb yihiin booqashada goobaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta sababto nafsaaniyan ah, iyaga oo sidoo kalena doonaaya in aan dadka kale arag iyaga oo xanuunsanaaya.

Waxa kale oo ay shegeen in inta badan raga wadankaasi laga helo xanuuno ay kamid yihiin Wadhnexanuunka iyo Cancer ka, kuwaas oo aanay iyaguna jeclayn in ay maqlaan qoysaskoodu , si aan mustaqbalkoodu u xumaan.

 

Leave a Reply