Midowga Yurub iyo Xakamaynta Tahriibka

0
315

Hogaamiyeyaasha Midowga Yururb ayaa kulan ay kaga wada xaajoonayaan sidii loo xakamayn lahaa qulqulka tahriibayaasha ka imanaya Woqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ku yeelanaya dalka Malta.

Kulan madaxeedkani wuxu daba socdaa hadal uu ra’isal wasaaraha Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ku sheegay in uu heshiis la doonayo in lagu joojiyo dadka ka safraya xeebaha Liibiya la gaadhay xukuummada dalkaas. Waxaanu sidoo kale u ballan qaaday Libya in ciidamadeeda lacag iyo tababar ay kula dagaalamaan tahriibiyeyaasha la siin doono.

Boqolaal kun oo tahriibayaal ah ayaa sannad kasta isku soo miidaamiya inay Yurub gaadhaan, kuwaas oo intooda badanina ku qarqoomaan badda Mediterranean-ka.

Khamiistii ayaa ilaalada xeebaha ee Talyaanigu waxay sheegeen in, in ka badan 1750 qof oo tahriibayaal ah loogu gurmaday badda Mediterranean-ka oo la soo badbaadiyey iyagoo qarqoomi lahaa.

Ilaa iyo markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii hore ee Mucammar Qaddaafi sannadkii 2011, Liibiya kama jirin xukuumad dhexe, nabad gelyaduna waxay gacanta u gashay kooxo hubaysan oo loolamaya. Ma gaffeyaasha ayaa iyaguna arrintaasi u fududaysay in ay dalka si sahal ah uga dhex shaqaystaan.

Hogaamiyeyaasha 28-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay magaalo madaxda Malta ee Valletta ku lafo guri doonaan xiisadda dadka tahriibayaasha ah ee Yurub ku qulqulaya.

Leave a Reply