Iyadoo wakhtigan ay jiraan dagaalo joogto ah , cuduro iyo masiibooyin dabiici oo ah sababa geerida badan ee Aadamiga, haddana mar kasta waxa sii kordhaysa tirada dadka dunida ku nool. Waxaana daraasado badan oo la sameeyay ay cadeeyeen in dhalashadu ay aad uga badan tahay dhimishada dadka.
Warbixinaha ayaa cadeeyay in heerka dhalashadu uu mar kasta ku labanlaabmo heerka dhimashada dadka.
Waxaana la diiwaan geliyay in halkii daqiiqo ay dhashaan 266 caruur ah, halka ay ka dhintaan 110 qof, taasi oo muujisay in kordhka dadka dunida uu sii badanayo saacad kasta, waxaana lagu qiyaasay in saacadii ay dunida ku dhashaan 1596 caruur ah, halka ay ka dhintaan 660 qof keliya. Tirkoob la sameeyay ayaa cadayay in geerida ugu badan ee dadka marka laga yimaado masiibooyinka iyo shilalka uu sababo Sigaarku, iyadoo gaajadana laga dhigay tan labaad.
Waxa kale oo iyana diiwaanka lagu daray xanuunada kansraka, AIDS-KA iyo xanuunka kaneecada. Tirada dadka ee sida xad dhaafka u kordhaysa ayaa la sheegay inay noqon doonto dhibaatada u weyn ee mustaqbalka madaama gaajadu ay aad u badan doonto ka dib marka ay yaraadaan beeraha oo uu saamayn ku yeelanayo isbdelka cimilada.