Xildhibaan Mucaaridka ku Booriyay inay Ixtiraamaan Awoodaha Madaxweynaha

0
266

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Abubakar Cabdraxmaan Good oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaradka ah u soo jeediyay in aanay ka soo hor jeedsan wixii horumar ah ee wadanka u soo kordha.

Abubakar Cabdiraxmaan Good oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta dalka ayaa waxa uu sheegay in ay qodob dastuuriya tahay in madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiyaanyo isugu yeedhi karo labada gole ee guurtida iyo wakiillada.

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tallaabada horumarka ah in laga qayliyo maaha waxaana mucaaradka looga baahan yahay in ay wax saxaan. Waana qodob dastuuriya in madaxweynuhu labada gole iskugu yeedhi karo, waxaana uu iskugu yeedhi karaa khudbad sanbadeedka iyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu soo gasho, waxaana ay ku qoran tahay qodobka 38 ee dastuurka in kalfadhi labada gole ah lagu ansixin karo wax yaabahaas, heshiisyada ay xukuumaddu soo gasho waan ku hambalyaynayaa waxaana loo baahan yahay in aynu saaxiibo dibadeed samaysano, waayo bilaa aqoonsi ayaynu nahay saldhig milatari hadii laga siiyo Imaaraadka wax aan ka faaidno mooyee wax khasaare ahna inoo keeni maayo saldhigaasi, waana talaabo hore loo qaaday waana ku garab taaganahay xukuumadda heshiiskaa ay la soo gashay xukuumadda,”.

Abubark Good waxa kale oo uu sheegay in uu soo dhawaynayo wadahadalada u socda Somaliland iyo kooxda khaatumo, waxaana uu yidhi “Guul ayaan ka rajaynayaa in ay ka soo bixi doonaan wadahadalada u socda Somaliland iyo kooxda khaatumo, Somaliland oo dhan ayaanu u horseedayaa wadahadaladaasi, madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaana loo igmaday talada dalka isaga ayaana u taalaa cida uu u dirayo wadahadaladaaas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply