Khubarada dhanka caafimaadka ee wadanka Maraykanka ayaa digniintii ugu cuslayd kazoo saaray cabitaanka sigaarka loo yaqaano Electronics-ka , kaas oo ay sheegeen inuu aad uga khatar badan yahay ka caadiga ah ee la cabo waqtigan.
Khubaradan oo daraasad ka samaysay khatarta sigaarkan ayaa sheegay in sigaarkani ay ku jiraan waxyaalo khatar badan ku ah jidhka bani’aadmiga , kuwaas oo aanu suntooda ka sifayn karayn beerka, sidoo kalena ka khatarsan Nicotine-ta maadada la yidhaahdo ee ku jirta sigaarka caadiga ah.
Waxaanay sheegeen inay sigaarka Electronics ka ah ku jiran laba maado oo aad u khatar badan ,kuwaas oo kala ah Formol Dahid iyo Sidoo kalena Acetylated Dahid, taas oo qofka jidhkiisa si fudud u gasha, iyada oo aanu qaban Karin beerku, sidaasna ay ku dhaafto uguna gudubto meelaha halbowleyaasha ah.
Waxaanay sidoo kale sheegeen khubaradani in sigaarkani aad ugu xun yahay dhalinyaradda marka loo eego dadka waaweyn, isaga oo si fudud u gumaadi kara dhalinyaradda .
Khubaradan ayaa daraasadooda kusoo gunaanaday in laba siyaalood ay tahay ta ay dhalinyaraddu khatarta ugu badan ugala kulmi karto sigaarkan, kuwaas oo kala ah in qiiqa sigaarkaasi uu dhalinyaraddaasi waxyeelo soo gaadhsiiyo, isaga oo markiiba sambabada ku dhufanaaya iyo in ay cabaan oo ay beerta suntiisu toos u dhaafto, kadibna maskaxda iyo xubno badan oo jidhka ah ay disho suntaasi.