Maxaad Ka Taqaanaa Hubka Ugu Casrisan Ee Ay Isticmaalaan Ciidamada Ruushku?

0
288

3:Hubka saddexaad ayaa ah qoriga loo yaqaano As The Ka, kaas oo caan ka ah wadanka Ruushka , waxaanu ahaa hubkii ugu horeeyey ee ay ku dagaalamaan ciidamada Wadanka Ruushka, iyada oo lagu sameeyey dib u habayn balaadhan oo dhanka rasaasta ah iyo sidoo kalena sida ay u dhacayso.

Waxaanu lamid yahay qoriga loo yaqaano Kalashnikov oo ah qoriga ugu caansan waqtigan wadanka Ruushka iyo sidoo kalena caalamka kaleba, iyada oo dib u habayntii ugu dambaysay lagu sameeyey sannadkii 2016 kii,waxaana loo sameeyey hab amaankiisu adag yahay.

Waxa ay rasaastiisu tahay mid gaadhi karta meelo kala duwan sida 7.62.54 mm ilaa 7.62.51 mm, taas oo ka dheer  qaybo badan oo kamid ah hubkay isticmaalaan ciidamada NATO ee ay sida weyn isaga soo horjeedaan wadanka Ruushka.

4:Sarmat : waa gantaal isna dhowaan lagu sameeyey dib u habayn casri ah , kaas oo culayskiisu yahay ilaa 100 tan, waxaanu ku shaqaynayaa shidaal dareere ah , sidoo kaena waxa uu ka shaqayn karaa meelaha taaga ah iyo meelaha dhulka hoostiisa ah intaba, isaga oo qaadi kara madaxyada gantaalada kale , kuwaas oo culayskoodu gaadhaayo ilaa 10 tan.

Waxa uu gantaalkani socon karaa masaafo dhan ilaa 11,000 oo Km, waxaanu awood badan u lee yahay inuu gaadho meeo kale oo joogoodu aad u sareeyo , iyada oo uu ku soconaayo xawaare aad u sareeya, waxaanu lee yahay awood uu iskaga difaaci karo gantaalada kale ee lagu soo rido, sidoo kale waxa uu iska difaaci karaa gantalada kazoo dhaacaya diyaaraddaha.

5:Ka-62 : waa diyaarad iyaduna caan ka ah ciidamada wadanka Ruushka, waana diyaaradaha ugu badan ee ay waqtigan cidamada wadanka Ruushku ku dagaalamaan, waana mid Helicopter ah , iyada oo loo sameeyey qaab ka duwan sida diyaaraha caadiga ah ee ay ciidamadu isticmaalaan.

Waxaanay diyaaradani qadaysa dad gaadhaaya ilaa 12 ama 14 qof , waana marka laga reebo hubka iyo qalabka kale ee ay sidato.

Waxaanay qaadaysaa culays dhan ilaa 2.5 tan, waxaanay si fudud hawada ugu qaadan kartaa saliida iyo gaasta labadaba, waxa kale oo ay si fudud uga badbaadi kartaa weerar kasta oo lagu soo qaado.

 

 

 

 

 

 

………………………………………………….La Soco……………………………………………………………………

 

Leave a Reply