Shirkad Soo Saartay Koodh Iskii Isu Furaaya Marna Isu Xidhaaya

0
280

Mid kamid ah shirkaddaha soo saara dharka ayaa soo saartay koodh ka duwan kuwii hore ay shirkadduhu usoo saari jireen, kaas oo si iskii ah isu furaaya, sidoo kalena isu xidhaaya, isaga oo bedelaaya heer kulka jidhka iyo hadba sida uu yahay.

Koodhkan ayaa badhamaan  ku leh xagga hore iyo xagga dambe, kuwaas oo iyagu si iskood ah isu furaaya, sidoo kalena debcaaya marka uu qofku neefsado , waxaanu koodhkani la qabsanayaa xaalad walba oo jidhka qofku uu ku sugan yahay waqtigaasi, gaar ahaan heer kulka jidhka oo ah mid si weyn loogu saleeyey.

Waxa kale oo uu koodhkani yahay mid qofku uu siduu doono ka yeeli karo, isaga oo marna kala fur furi kara marna isku xidhan kara, waana mid uu qofku gacantiisa ku wadan karo.

Shirkadda soo saartay koodhkan ayaa lagu magcaabaa Omius Company , waxaanay ku taalaa Menlo Park, waxaanay warbixin ay siisay wargeyska Telegraph oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ay ku sheegeen in waqtigan koodhkani yahay mid tijaabo ku jira, lana soo wada saari doono sannadkan dhexdiisa markuu tijaabada dhamaysto .

Waxay shirkadda masuuliyiinteedu sheegeen in ay koodhadhkani u wanaagsanaan doonaan dhanka dadka ku nool meelaha Barafka ah, kuwaas oo ay ka caawinayaan is bedelka heer kulka jidhkooda oo ah mid ay ku ilaalinayaan hadba xaalada uu ku jiro mooyaane mida uu u baahan yahay .

Koodhkan ayaa inta badan qalabku kaga xidhan yahay meelo kala duwan ,sida laabta , dhabarka , gacmaha dushooda , iyada oo qalabka lagu xidhay uu culayskoodu yahay 100 grams, kaas oo ka culays yar telefoonada gacanta kuwa ugu fudud.

shirkadda ayaa sheegtay inay sida ugu dhakhsaha badan usoo daynayso koodhadhkan , iyada oo ku iibin doonta qiime jaban oo dadka raalin gelin doona,waxaanay intaas ku dartay inay ku tijaabisay koodhadhkan meelo kala duwan sida barafleyda iyo kulayleyda, waxa kale oo ay sheegeen inay ku tijaabiyeen meelaha lagu socdo .

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply