Wax Ka Baro Sida Loo Joogteeyo Dhismaha Jidhka

0
546

 

Dhisnaanta jidhku waa mid u leh xiiso gaar ah qof kasta oo kamid ah bulshada, waa riyo cajiib ah oo hirgalinteedu wadato farxad iyo furfurnaan. La dagaalanka buurnida ama dhimida culeyska jidhka ayaa u baahan wakhti iyo go’aan adag. in badan oo bulshada ka mid ah ayaa la daalaa dhacaya sidii ay u dhimi lahaayeen cayilka saaran halka qaar badana ay isku dayayaan inay siyaadiyaan miisaankooda iyaga oo ka cararaya caatada ka muuqata. hada labadaan qodoba waa kuwo isku xidhan sababtoo ah labada qof ee midi uu ka cararayo buurnida  midka kalena ka cararayo caatada waxay doonayaan inay isugu yimaadaan meel dhexe. meeshaa dhexe ayay aaminsanyihiin inay u wanaagsantahay muuqaalkooda iyo caafimaadkoodaba. qaab dhismeedka jidhka ayaa kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba. hadaba waxaan tusmadaan idiin kusoo gudbinaynaa siyaabaha ugu wanaagsan ee loo joogteeyo qaab dhismeedka jidhka.
Cuntada: waxaa jirta oraadh calaamiya taasoo ah waxaad tahay waxaad cunto, shaki kuma jiro saxnaanshaha oraadhdaa, sababtoo ah nooc kasta oo kamid ah cunadda aynu cuno waxuu ka koobnaan kara faa’iido ama khasaaro usoo kordha jidhkeena, cunnida cunno isku dheeli tiran taasoo ay ku yartahay xaydha ama baruurtu ayaa ah mid faa’ido balaadhan u leh jidhka. khudaarta iyo midhaha ayaa qayb muhiim ah ka qaata qaab dhismeedka iyo caafimaadka jidhka waxaana warbixin lagu daabacay jariiradaha caafimaadka qaar kamid ah maraykan lagu sheegay in ugu yaraan badh ka mid ah saxanka cunada lagu dhigo khudaar iyo midho ay faa’iido aan lasoo koobi karin u leedahay dheefshiidka iyo maskaxda qofka. waxaa muhiim ah in la joogteeyo hilibka cad kaasoo laga helo kalluunka iyo digaagga. Halka hilibka cas ee laga helo xoolaha uu ka koobanyahay kolesterol badan kaasoo wax yeelaynayo qaab dhismeedka jidhka keenayana culeyska jidhka iyo xanuuno soo wajaga wadnaha iyo xididada. qamadiga, digirta iyo lawska ayaa kamid ah cunooyinka lagu amaanay warbixintaan. joogteynta xilliga cunnada ayaa ah mid kontorooli karta isbadbadalka ku imaan kara culeyska jidhka, waxaa muhiimadeeda leh in xilliga ama jadwalka la cunayo cunada ay noqoto mid cayiman oo aan dib ama horey looga dhacayn, khuraacda oo la cunaa waa mid faa’ido u leh caafimaad jidhka sababtoo ah intii uu qofku hurday waxaa jidhkiisu samaynaya is nadiifin, marka uu soo kaco waxuu dareemayaa gaajo waxaana jidhkiisu u baahanyahay tamar si uu u shaqeeyo. qadadu muhiim uma ahan sida quraacda iyo cashada waana mid laga boodi karo balse waxaa haboon in xilligeeda la cuno khudaar iyo midho ama cuno aan cusleyn. cashadu waa mid u muhiim ah sida quraacda balse xiligaan maahan mid ay haboontahay in la cuno cuno farabadan, waxaa haboon in ugu yaraan 2 ilaa 3 saac kahor xiliga hurdada la joojiyo cunida. ma wanaagsana in marwalba wax la cuno iyadoo aysan gaajo ku hayn, waxaana cunida lagu laraa gaajada.

Jimicsiga: jimicsiga ayaa ah mid lagu burburinayo waxyaabaha ka kooban xaydha ama kolesterolka ee jidhka kujira sidoo kalena lagu joogteynayo caafimaad qabka guud ahaan jidhka iyo maskaxdaba. xiliyada ugu haboon ee la sameeyo jimicsiga ayaa marka uu qofka ka tooso hurdada sida ta subixii quraacda kadib ugu yaraan 30 daqiiqo. jimicsiga noocaan ahaa lagu qiyaasaa inuu gubo xaydha ugu badan ee qofka saaran taasoo keenta culeys iyo caafimaad daro. orodka ayaa ah jimicsiga ugu haboon ee lagu dhimo culeyska saaran shaqsiga. macnaheedu maahan in dadka caatada ah aysan u baahnayn jimicsi, jimicsigu waxuu la dagaalamaa waxyaabaha aan caafimaad ahaanta u wanaagsanayn waxuuna joogteeyaa qaab dhismeedka jidhka. waxaa muhiim ah in lala socdo cadadka BMI oo ah cabir kaasoo isku dheelitiraya culeyska iyo dhererka qofka.

Hurdada: waxaa la qiyaasaa in dadka qaan gaadhka ahi ay ubaahan yihiin 7 ilaa 8 saacadood inay seexdaan 24 kii saacba, midani waxay ka dhigantahay in jidhka lasiiyo wakhti uu isku nadiifiyo kuna nasto, taasoo faa’iido u leh maskaxda iyo jidhka labadaba. seexashada xilli hore oo habeenkii ah ayaa leh amaan gaar ah sababtoo waxaa habeenkii qaybtiisa danbe lasoo daayaa hormoono badan oo uu kamid yahay kan koriinku. hormoonkaan ayaa u muhiim ah dhammaan xubnaha jidhka siiba kuwa taranka. warbixin ayaa sheegtey in dadka seexada xilli hore oo habeen kii ah ay ka furfuranyihiin, ka waxqabad badanyihiin kana rajo fiicanyihiin dadka seexda qaybaha danbe ee habeenkii ah. xilliga cuntada iyo hurdada ayaa u baahan yahay in la kala durkiyo sababtoo ah waxaa ka dhalan kara xanuuno badan oo uu ka mid yahay midka loo yaqaan , laab jeex, iyo kuwo kale oo soo wajaha dheefshiidka.

Biyaha: cabida biyaha ayaa la aaminsayahay inay ka qayb qaadato siyaabaha loo gubo xaydha, waxayna sidoo kale faa’ido u leedahay sifeynta dheefshiidka iyo kelyaha, tani waxay sidoo kale keenaysaa in dhiigu uu noqdo mid sifaysan oo ay ku yar tahay buruurta loo yaqaan kolesterol. biyaha uu jidhkeenu u baahanyahay ayaa ah 2.5 ilaa 3 litir 24kii saacba. xiliga qoraxdu ay soo jeedo ayaa haboon in la cabo biyaha, sababtoo ah waxa uu jidhkeenu qabanayaa shaqooyin kala duwan kuwaasoo u baahanyahay. habeenkii waxaa wanaagsan in la joojiyo cabida biyaha sababtoo ah shaqada ee jidhku qabanayo gaar ahaa kelyahu waa mid ubadan is nadiifin iyo nasasho.

Farxada: inkastoo aysan dad badani aaminsanayn in farxadu ay jidhka ka caawiso qaab dhismeedkiisa hadana waxaa joornaalada caafimaadka qaarkood lagu daabacay in farxadu ay siyaadiso tabarta furfurnaasha ayna la dagaalanto caajiska, taasoo qofka u sahlaysa inuu qabto shaqooyin badan kuwaasoo uu ku dhumin karo culeys jidhkiisa saaran

caatadu maahan dhibaato caafimaad balse waa faa’iido ay haystaan dadka caatada ahi, dadkaan waxa ugu weyn ee ay u baahanyihiin ahaa ah dhismaha murqaha si ay u helaan BMI isku dheelitiran.

 

Leave a Reply