Wiil Hitler u Eg oo lagu Xidhay Austria

0
291

Wiil Hitler u eg ayaa lagu xidhay Austria isaga oo loo haysto in uu maamuusayo wakhtigii Nazi-ga, sida  ay sheegeen saraakiisha deegaankaas.

Wiilkan oo 25 jir ah ayaa lagu soo waramayaa in uu isugu yeedhay Harald Hitler.

Wiilkan oo sidii Hitler timaha u shanlaystay, shaarubahana u jartay siddii uu caanka ku ahaa ayaa lagu arkay isaga oo sawirro ku galay gurigii uu Hitler ku dhashay oo ku yaalla magaaalda Braunau am Inn.

Wiilkan Hitler u eg ayaa dhawaan u soo wareegay magaaladan ku taala xadka Jermalka, sida uu BBC-da u sheegay David Furtner oo ah afhayeenka booliiska.

 

Afhayeenka booliiska ayaa sheegay in arrintan aysan kaftan ahayn, oo aysan sidoo kale ahayn farshaxan la soo bandhigayay.

Wuxuu intaas ku daray in wiilka dhallinyarada ah uu si fiican u garanayo falka uu ku kacay

Waxaa kale oo uu sheegay in isla wiilkan lagu arkay Vienna iyo Graz.

Sawirrada wiilka ayaa lagu daabacay websiteka Austria laga leeyahay ee Heute.at

Maamusidda wakhtigii Nazi-ga ayaa dambi ka ah dalka Austria

Hitler 1889kii

Bishii tobnaad ee sanadkii hore ayay xukuumadda Austria go’aansatay in ay dumiso gurigii uu ku dhashay Hitler, si uusan u noqonin meel ay ku soo hirtaan dadka taageersan wakhtigii Nazi-ga.

Hitler ayaa ku dhashay qaybta sare ee guri kiro ah 20-04 -1889.

Wakhtigiisiina waxaaba loo badalay goob lagu maamuuso Hitler ka dib markii ay magaaladaasi ku soo qulquleen dad dalxiiseyaal ah.

Laakiin waxaa albaabada loo laabay 1944-kii markaas oo Nazigu ay lumiyeen gacan ku hayntii magaaladaas.

Leave a Reply