Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo Walaalkii lagu Dilay Maleysiya

0
297

Nin ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa la sheegay  in uu ku dhintay Malaysiya.

Ilo wareedyo Ingiriis ah oo ku dhow qoyska Kim Jong Nam ayaa BBC u sheegay in sun loo adeegsaday dilkiisa.

Mid ka mid ah warbaahinta Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ninkaas ay laba dumar ah oo isticmaalay irbado sumaysan ku dileen garoonka dayaaradaha ee Kuala Lumpur.

Meydkiisa ayaa la rumaysan yahay in baadhitaan lagu samayn doono.

Kim Jong Nam ayaa ahaa wiilka ugu weyn carruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada waqooyi Kim Jong Il.

Haseyeeshee aabihii aoo ay isku dhaceen aya weydaariyey xukunka oo door bidey ninkaa hadda atalada haya oo ahaa  wiil ka yar oo ay kala bah yihiin.

Ninka la dilay oo dibadda ku noolaa ayaa la sheegayaa inuu dhaliili jirey  xukunka iyo in la iska dhaxlo.

Leave a Reply