Caafimaadka Hurdada Duhurka

0
333

Cilmibaadhis la sameeyay waxaa lagu ogaaday in wakhtiga la qadeeyo (duhurka) oo la seexdo ay leedahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin.
1- Kordhinta tamarta iyo awooda jirka,  baadhitaan ay sameeyeen khubaro kala duwan ayaa lagu ogaaday hadduu qofka seexdo 35- 40 daqiiqo oo keliya in ay ku filan tahay in dareenka feejigan ee qofka uu aad u saraynayo isla markaana uu jidhka helo tamar iyo awood badan.
2- Hurdadani Waxay kobcisaa waxbarashada iyo shaqada maskaxda, qofkuna markuu seexdo, xasuustiisa ayaa aad u kordha.
3- Waxay nidaamisaa macluumaadka maskaxda lagu keydiyo, waxana uu soo toosaa isagoo nastay, awoodna u leh in uu warbixin cusub ku keydiyo maskaxdiisa, ilowshiiyaha ayaa isna ku yaraada qofkaasi.
4- Qofka waxaa ka yaraada cidhiidhiga iyo werwerka, maxaa yeelaya dheecaanada qaabilsan werwerka ayaa jidhka ku yaraada, isla markaana subaga iyo duxda jidhku hoos ayuu u dhacaa, kuwaasi oo jidhka u horseeda xanuunka macaanka, wadna xanuunka iyo dhiig karka.

Baadhitaano iyo daraasado laga sameeyay goobo kla duwan ayaa muujiyay in dadka seexda wakhtigaasi ayay dadka aan iyagu jiifsan.

 

Leave a Reply