Ku-simaha Madaxweynaha oo ka Hadlay Shakhsiyadii Badhasaabkii Badhan oo Geeriyooday

0
424

Hargeysa(Dawan)- Alle ha u naxariistee waxa shalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Badhasaabkii Gobolka Badhan, Marxuum- Cabdixakiin Axmed Maxamuud (Wahaabi), siday xaqiijisay madaxtooyadda Somaliland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay geerida Badhasaabkii Badhan oo uu ku tilmaamay masuul karti lahaa oo door ka soo qaatay nabadeynta dalka muddadii uu dawladda u shaqeynayay.

Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu  qoyskiisii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Cabdixakiin Axmed Maxamuud (Wahaabi), sida lagu sheegay dhambaal tacsi ahaa oo shalay ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaana lagu yidhi, “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Axmed Maxamuud (Wahaabi), oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa shalay oo ay taariikhdu ahayd  21/02/2017.

 

Marxuumku waxa uu ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenkuna waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah, door la taaban karana ka ciyaaray arrimaha nabadaynta iyo dib u dhiska dalka iyo gobolka uu guddoomiyaha u ahaa.”

 

“Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,”ayaa lagu soo gunaanaday dhambaalkaas tacsida ahaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply