Hargeysa (Dawan)- Ciidamada Booliisa Jamhuuriyadda Somaliland ayaa habeen hore xabsiga u taxaabay agaasama Telefishanka STAR Tv, Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ka qaybgalayay munaasibada lagu waynaynaayey xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20 February oo habeen hore lagu qabtay Huteelka Mansoor ee magaalada Hargeysa, kaasi oo qeybinayay waraaqo ay ku qornaayeen “u hiili Berbera.”
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Saxardiid Caddaani ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xadhiga agaasimaha Telefishanka STAR Tv, waxaay yidhi “Waxa ay xalay (habeen hore) ciidanka booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen eedaysane Maxamed Baashe Xaaji Xasan , kaas oo lagu soo eedeyey kicin dadweyne iyo khalkhal gelin nabad-gelyada dalka la xidhiidha.”
Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland ganshaale sare, Faysal Xiis, ayaa isna sharaxaad ka bixiyey xadhiga Maxamed Baashe Xaaji Xasan, waxaanu yidhi, “Waxa lagu eedaynayaa inuu ku kacay falal ah kicin dadweyne, khalkhal gelin nabadgelyo oo uu kaga baxay mihnaddii saxaafada, kadib markii uu ka hor yimid mashruuca saldhigga madaarka Berbera oo ay labada gole qaran ee Wakiillada iyo Guurtiduba ay cod aqlabiyada ah ku ansixiyeen. eedaysanahaas ayaa qaban-qabinayey shir lagu qeybinayay waraaqo lagu kicinayey dadweynaha.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Mr. Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa daadifeeyey qaabka loo maray xadhiga Agaasimaha telefishanka STAR Tv, waxaanu yidhi “Agaasimaha telefishanka STAR Tv, waxaa xidhay sirdoonka gobolka Maroodi-jeex iyaga oo aan sifo sharci ah u marin, sharciga Somaliland waxa uu dhigayaa in maxkamad ay xukunto xadhiga wariyaha , markaa waxa aan u aragnaa in sirdoonka gobolku ay sifo sharci daro ah ku xidheen ,haddii qofka dembi lagu hayo waa in sifo sharci ah loo maro.”
Dawannews Hargeysa office