Caadooyinka Arooska Dunida

0
282

Weli dunida waxa ka jira caadooyin qadiim ah oo loo sameeyo aroosyada kuwaasi oo ku kala duwan dhaqanka iyo diinta. Dalka Jarmalka waxa jira caadooyin hore, laakiin weli loo isticmaalo aroosyada, kuwaasi oo ah in labada qof ee arooska ahi ay  miishaar ku wada jaraan hal qori iyagoo is kaashanaya. Arintan ayaa loola jeeda inay labada qof nolosha wax kasta wadaagayaan dhibaato kastana iska kaalmaysanayaan. Iyagoo wakhtiyada adagna si wadajir ah uga gudbaya.

Shiinaha bulshooyin ka mid ah ayaa caado u leh in Aroosku uu gabadha aroosadda ah ku tuuro leeb aan lahayn madaxyo oo aan waxb yeelayn, ka dibna inta uu uu soo qaado uu jebjebiyo si uu ugu muujiyo kalgacalka uu qabo gabadhiisa.

Leave a Reply