Qofna Kama Horayn karo Maalintiisa!

0
326

 

Nin Nijaar ah ayaa ka cadhaysiiyay nin boqor ah oo uu u shaqayn jiray, kadib boqorkii ayaa nijaarkii ku xukumay in la dilo. Sida caadada ahaydna habeen badhka ayaa gurigiisa qofka la dilaayo laga soo kaxayn jiray ka dibna qoorta laga jari jiray inta ay dadku hurdaan.

 

Ninkaasi nijaarka ah ayaa aad u murugooday, hurdo ma seexan habeekaasi. Gabadhiisa ayaa ku tidhi “ Iska seexo Allah (sw) ayaa jira, albaabada farajkuna way badan yihiin”. Ereyadaasi in kasta oo ay qalbigiisa dejiyeen haddana weli cabsida iyo argagaxu kama tegin.

Goor danbe ayay askartii boqorku soo gaadheen gurigii nijaarka markii uu hadalkoodii maqlay ayuu aad u sii naxay oo gabadhiisa ku eegay daymo quusasho ah. Wuu kacay oo albaabkii wuxu ku furay gacmo gariiriya.  Markiiba gacmihiisa ayuu u taagay si ay katiinadii ugu xidhaan ka dibna geeyaan goobta lagu dilo denbiilayaasha.

 

Labadii askari oo aad u yaaban ayaa ku yidhi “ Waxaanu kuugu nimi boqorkii wuu dhintay , inaad samayso sanduuqii naxashka u noqon lahaa”. Gabdhiisa ayuu si farxad leh u eegay, iyana waxay ku tidhi “ Ha iloobin Cabsida Rabbi, maalamaha nolashaadu way tirsan yihiine”.

 

 

Leave a Reply