Hargeysa(Dawan)-Maareeye Ku Xigeenka Madbacadda Qaranka Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa gogol nabadeed u fidiyay Salaadiinta, Cuqaasha, Xildhibaannada, Ganacsatada , Aqoonyahanka iyo Haldoorka Beelaha Walaalaha ah shaqaaqooyinku ku dhex mareen degaannada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.
Kulankaas oo habeen hore ka qabsoomay Huteelka Sultan ee magaalada Hargeysa, waxa uu kulan siiyay tallo-qabeenka, Hoggaamiyeyaasha Nabadda iyo hormuudka madaxdhaqameedka beelaha oodwadaagta ah ee shaqaaqooyinka khasaare dhimasho keenay ku dhex mareen Gobolka Sanaag.
Shirkaas oo ujeeddadiisu ahayd sidoo looga wada shaqeyn lahaa hirgelinta nabadda iyo nagaadin nabaddeed oo ka hano-qaadda gud-ahaanba degaannadaas ay wada degaan labadan beelood gar-ahaana degannadii dirirtu ka dhalatey, waxaa ka soo qaybgalayaashii kulanku ay mid-mid isu dul taageen si gole-kafuul ah baahida loo qabo nabadda ummada wada degta iyo nolosha qoysaska ku nool isla deegankaas. sidoo kale waxa aad loo gorfeyey oo loo falanqeyey sooyalkii taarikheed ee ka dhaxeeya labada beelood ee degaanadan wada dega(Sacad Yoonis & Biciide Yoonis).
Gunaanadkii shirkaasi waxa kasoo baxey nuxur iyo godoon laysla qaatey oo aanu ku qodobbadiisu ahaayeen sidan hoos ku xusan:- 1. Waxa la wada xaqiiqsadey in nabadda ay hir-galin karaan oo kaliya beelahan shaqaaqadu dhex martey laysnala qaatey in si wada jir ah oo niyadsami iyo Laab-xaadhni ah loo wada ambo-qaado jidka nabaddeynta iyo xasilinta degaanka iyadoo gacmaha la is haysto2. In laga hawlgalo si wada jir ah soo daynta waayeelkii iyo haldoorkii laga soo maxbuusey Ceel Afweyn oo Jeelka Mandheera ku jira, kuwaas oo aan la’aantood la hirgalin karin nabadeynta iyo soo celinta deganaansho nololeed oo ka hanoqaada guud ahaan degaankaas dirirtu ka dhalatey3. In layskugu yimaado shir-wadareed kulmiya dhammaanba beelihii dirirtu ay dhex martey labada dhinacba iyo ciddii la hal-maasha oo ka koobnaan doona bulshada qaybeheeda kala duwan sida(Salaadiinta, Xildhibaanno, Masuuliyinta Xukuumadda, Aqoonyahannada, Ganacsatada iyo dhammaanba qaybaha kale ee bulshada), Shirkaas oo la iclaamiyey loona asteyey khamiista-23/02/017.
KA SOO QAYB GALAYAASHA KULANKA
- Boqor Cismaan Aw Maxamuud
- Suldaan-Saleebaan Cawil Dirir
3. Suldaan-Cali Cumar Saalax4. Suldaan-Siciid Yuusuf Xaaji-Ducaale5. Suldaan-Axmed Faahiye Mirre 6. Xilhiban-Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)7. Chief-caaqil Faysal Abokor Xasan 8. Eng Cabdirahman Cisman 9. Cumar Jaamac Faarax10. Dr: Cismaan Xuseen Warsame11. C/laahi Aw Daahir Ducaale (Afyare)12. Saalax Yuusuf Diiriye13. Maxamuud Xasan Saraaf 14. Saalax Maxamed Diiriye15. Ganacsade Saalax Cawad Huruuse16. Maxamed Saleebaan Guure.