Malayshiya oo Raadinaysa Dublomaasi loo Tirinayo Dilkii Kim

0
298

Booliiska dalka Malayshiya ayaa sheegay in ay raadinayaan sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Kuuriyada Waqooyi ay ku leedahay magaalada Kuala Lumpur isaga oo lala xidhiidhinayo dilkii Kim Jong-nam.

Kim oo ay isku aabo yihiin hoyaagimaya Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un, ayaa todobaadkii hore ku dhintay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur.

Booliiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay faahfaahinta dilka, iyaga oo sheegay in labo haween ah ay wajiga sun ka mariyeen Kim.

Waxaa jira shaki wayn oo ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay weerarkaasi, taas oo uu si cadho leh uu u diiday danjirahooda Malayshiya.

Madaxa booliiska ee Malayshiya Khalid Abu Bakar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kuala Lumpur maanta Arbacadii  ayaa sheegay in la raadinayo saddex ruux oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo laga shakisan yahay, kuwaas oo dheeri ku ah kuwii horay loo baadigoobayay, walina la tuhunsan yahay in ay dalka gudahiisa joogaan.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ah qunsulka labaad ee safaaradda Kuuriyada Koonfureed ee Kuala Lumpur ku taalla kaas oo magaciisa lagu sheegay Hyon Kwang Song.

Labada kalana waxay kala yihiin Kim Uk Il oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Air Koryo oo ay leedahay dawladda Kuuriyada Waqooyi iyo Ri Ji U.

 

 

Leave a Reply