Yamen:Taliye Ciidan oo Gantaal lagu Dilay

0
262

Saraakiisha milateriga Yaman ayaa sheegay in la dilay taliye xigeenkii ciidankooda.

Taliyaha oo ahaa  Maj Gen Ahmed Saif al-Yafei ayaa la sheegay inuu dhintay kadib markii uu haleelay gantaal ay soo rideen fallaagada  Xuutiyiintu meel ka baxsan magaalada dekeda ah ee Mokha.

Dhimashadiisa  ayaa loo arkaa in ay dib u dhac ku tahay ciidamada dowladda oo ay taageeraan isbaheysiga Sucuudigu hoggaamiyaa.

Dowladda Yaman ayaan weli dib u qabsan caasimada Sanca iyada oo uu dalkaasi ka socday dagaal sokeeye muddo laba sano ah.

 

Maj Gen Yafei  ayaa lala dilay dhawr kale markii gantaalku cuskadey kaamkii ay degganaayeen arbacadii shalay.

Magaalada dekeda ah ayaa waxa qabsadey fallaagada bishii hore.

 

Leave a Reply