Maxkamadda Ingiriiska oo Ayiday Sharci Caqabad ku Noqday Kumanaan

0
295

Maxkamadda sare ee Ingiriiska   ayaa go’aamisay in ay sharci tahay shuruudda dakhliga ee caqabadda ku noqday kumannaan ruux oo muwaaadiniin reer Ingiriis ah oo raba in ay lamaane yaashooda keensadaan UK.

Laga soo billaabo 2012, qofka Britain u dhashay ee raba in uu lamaanihiisa soo dejiyo UK waxaa waajib ku ah in uu sanadkii u soo xaroodo dhaqaale gaadhaya 18,600 oo gini.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegayeen in 15,000 carruur ah uu sharcigaasi ka hor istaagay waalidkood.

Haddii arrintan dawladda lagaga guulaysan lahaa kumannaan lamaane ah oo ku nool meel UK ka baxsan ayaa awoodi lahaa in ay Britain u wareegaan.

Qoysaska uu sameeyay sharcigan ayaa ku dooday in uu meel ka dhac ku yahay xaqii ay u lahaayeen nolosha qoyska.

Labo ruux oo dacwadan geeyay ayaa kala ah Abdul Majid iyo Shabana Javed oo reer Britain ah balse lamaaneyaashoodu ay Bakistaaniyiin yihiin.

Waxaa saddexeeya qof Lubnaaniis ah oo qaxooti ah oo jaamacad ka qalin jabiyay balse aan weli helin shaqo u qalanta. Wuxuu sheegay in xaaskiisu ay jaamacad ka qalin jabisay ayna dhaqaale ku filan qaadato iyadoo si fiicanna u taqaanna Ingiriiska.

Kiiskii u dambeeyay ee arrintan la xidhiidha waxaa soo gudbiyay qof qaxooti ah oo ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo kaas oo xaaskiisa laga hor istaagay in ay Britain gasho.

 

Leave a Reply