Tirsiga 17ka Bisha Ayay Ka Aaminsan Yihiin In Ay Tahay Dhamaadka Dunida?

0
315

Dad badan ayaa dunida isku xidha nasiibkooda iyo tirooyinka nambarada ah, kuwaasi oo qaarkood belaayo ka saadaaliya, qaarkoodna khayr ka rejeeya.

Dadka Shiinaha badankooda ayaa belaayo u arka tirada Afar, waxaana sabab u ah iyadoo dhowaaqa tirada Afar iyo dhowaaqa erayga dhimasho ay is shabahaan. Sidaas awgeedna dadka Shiinuhu ma jecla inay degaan guryaha dabaqa afraad, waxaana ay ka baqdaan dhamaan wixii tirada afar xidhiidh la leh.

Dalka Talyaaniga ayay dadkiisu iyaguna cabsi badan ka qabaan tirade 17 , taasi oo ay sabab u tahay iyadoo marka dhinaca foorarka loo akhriyo tirada 17 luqadda Talyaaniga uu macnaheedu noqdo dhamaadka nolosha. Taasi oo keentay in maalin kasta oo bishu ay tahay 17 ay ku  magacaabaan maalinta geerida. Arimahan oo dhan waxa sabab u ah iyagoo dadkaasi aanay lahayn quluub ku xidhan caqiido adag iyo rumaynta Allah (sw).

Dadka Japan ayaan wax badan ka duwanayn dalalkaasi oo iyaguna cabsi weyn ka qab tirada sagaal (9) , iyadoo sababtu tahay erayga sagaal iyo erayga jidh dil iyo ciqaab oo isku dhawaaq ah luqadda Japanka. Waxaana ay u arkaan faal xun tiro kasta oo sagaal ah.

Leave a Reply